Home Wararka Maanta General Jonathan Braga oo booqday Degmada Aadan Yabaal (SAWIRRO)

General Jonathan Braga oo booqday Degmada Aadan Yabaal (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Hawlgalada Gaarka ee Ciidamada Mareykanka, General Jonathan Braga ayaa maanta gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Axmed Aadan Cali iyo Saraakiil kale oo ciidan ayaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ee Ciidamada Mareykanka.

General Jonathan Braga ayaa kormeeray xeryaha ciidamada ku leeyihiin degmadaasi, oo ka mid ah degmooyinka wejigii hore ee hawlgalka laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegtay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo General Jonathan Braga ay ka wada hadleen xoojinta iyo dardargelinta hawlgalada dhanka cirka, xilli qaybo ka mida dalka ay ciidamadu ka wadaan guluf ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa dalka koowaad ee Villa Somalia ka taageera weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc