Home Wararka Maanta Goleyaasha Somaliya oo ansixiyay heshiiska dowladda la gashay Turkiga (SAWIRRO)

Goleyaasha Somaliya oo ansixiyay heshiiska dowladda la gashay Turkiga (SAWIRRO)

by Laacib

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ay 8-dii bishan gaareen Dowladaha Somaliya iyo Turkiga.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo shir guddoominayay kulan degdeg ah ayaa lagu ansixiyay heshiiska labada dal.

Raysal Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Somaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Somaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Somaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Barre ayaa xusay in heshiiskani uu soo afjarayo in badda iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibadda.

“Heshiiskani waxa uu dhisaya, tababarayaa, isla markaana qalabeynayaa ciidankeenna badda, si ay ula wareegaan difaaca baddeenna. Heshiiskani waxa uu kordhinayaa wax soo saarka baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah”.Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Barre ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Turkiga is garabtaagooda xilliyo muhiim ah oo ay Somaliya soo martay iyo maanta oo lagu soo xadgudbay qaranimada dalka.

Dhanka kale Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo kulan wadajir ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay heshiiska.

213 ayaa haa ugu codeeyay meelmarinta heshiiska, halka 3 Xildhibaan ay diideen, mana jirin cid ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa 15-kii bishan sheegay in dalkiisu uu difaaci doono madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Tani ayaa imaaneysa, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishii January ku gaareen Magaalada Addis Ababa, kaas oo Itoobiya u ogolanayo inay deked ka hesho Badda Cas.

Dowladda Somaliya oo si adag uga hortimid heshiiska ayaa ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc