Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay inaysan hadda ka dib qayb ka ahayn Hirshabelle

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay inaysan hadda ka dib qayb ka ahayn Hirshabelle

by Laacib

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga horyimid tallaabadii uu xilka uga qaaday Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Xil ka qaadista Gudoomiyaha ayaa xiisad ka abuurtay gobolka, gaar ahaan Magaalada Beledweyne, oo ay maanta isugu soo baxeen dad fara-badan oo ka biyo diidan xil ka qaadistaasi, iyadoona magaalada lagu arkayo ciidan sheeganaya in ay hadda ka dib la dagaalami doonaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Gudoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa shacabka ka codsaday inay is dejiyaan, hadda ka dibna aysan jirin doonin sabab loogu khasbo in ay ka sii mid ahaadaan Hirshabelle, waana dadka reer Hiiraan oo muddo dheer tirsanayay in sad-bursi lagu sameeyay, marka aad eegto in dadka Gobolka Shabellaha Dhexe ay qaateen Madaxweynihii iyo xaruntii maamulka oo Jowhar ah.

Gudoomiye Jeyte ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaanka ay isu waafaqeen in la sii wado dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana aan hadda ka dib shacabka reer Hiiraan lagu khasbin in ay ka sii mid ahaadaan Hirshabelle.

“Waxaa la go’aamiyay in maanta ka dib ay arrintaasi meesha ka baxdo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaa mamnuuc ah qof sheeganaya magaca la yiraahdo Hirshabelle, hadduu Beledweyne joogo meeshuu ka dhoofi lahaa ma ahan Hiiraan, mid bannaanka jirana ma imaan doono.”

Gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in cir iyo dhulba ay ka xireen gobolka, isagoona maamuleyaasha diyaaradaha u sheegay inaanay gobolka imaan karin.

“Waxaa xiran Garoonka Diyaaradaha Beledweyne, dhulkana waa xiran yahay, cirkana waa ka xiran yahay. Diyaaraddii ka dhega adeygta oo isku dayda inay si khalad ah wax ku soo qaaddana, dhulkaa soo dhigaynaa.” Ayuu yiri Jeyte.

Jeyte ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Ma joogno maalintii Shabaab buuraha inoo saarnaa, Shabaab waan iska farjinay, Somaliya inteeda badan maanta waa xor. Gaariga ka soo baxa Gaalkacyo, Magaalada Muqdisho ayuu toos u gelayaa, gaariga ka soo baxa Boosaaso, Magaalada Muqdisho ayuu toos u gelayaa, dhulkana waa ka xiraynaa meeshii laga imaan lahaa, cirkuna waa xiran yahay oo garoon laga soo deggi karo ma jirto, Beledweynaa laga soo deggi karin, Buulo Burdaa laga deggi karin.”

Mucaaradada lagaga hortegay xil ka qaadista Gudoomiye Jeyte kuma koobno dadka reer Hiiraan oo keliya, oo waxaa taasi kala siman Soomaalida inteeda kale, oo Gudoomiyuhu uu taageero xoog leh kaga kasbaday wejigii hore ee hawlgalka, oo shacabka uu u muujiyay inaanay Shabaabku xoog badnayn, isagoona xilligaa horkacayay gulufkii kooxaha argagixisada lagaga dulqaaday bariga gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc