Home Wararka Caalamka Iran oo gaashaanka u daruurtay eedeymo kaga yimid Mareykanka, kana hadashay codsi ka soo gaaray

Iran oo gaashaanka u daruurtay eedeymo kaga yimid Mareykanka, kana hadashay codsi ka soo gaaray

by Laacib

Dowladda Iran ayaa si adag u beenisay eedeymaha uga yimid Mareykanka ee ku aaddan in Tehran ay Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ka caawiso weerarada ka dhanka ah maraakiibta Israel.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka oo soo xiganaya ilo sirdoon ayaa Jimcihii sheegay in Iran ay si qoto dheer ugu lug leedahay qorsheynta weerarada Xuuthiyiinta ee Badda Cas, isla-markaana ay siiso hub, taageero dhaqaale iyo tababar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dalkiisu uu Xuuthiyiinta Yemen ka gacan siiyo hawlgaladooda militari ee Badda Cas.

“Eeddu waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Weeraradu waa go’aan buuxa oo Yemeni ah oo lagu taageerayo difaaca Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka oo Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Tehran.

Wasiirka ayaa ka digay in marin biyoodka Badda Cas aanu ammaan ahaan doonin, illaa iyo inta ay Israel xasuuqa ka waddo Marinka Gaza.

Wasiirka ayaa tilmaamay inaanu xalka ku jirin isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ee sida la sheegay la dagaalami doona weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ku sii jeeda Dekedaha Israel amaba laga leeyahay Israel.

“Ma jirto baahi loo qabo isbahaysi, waana inay joojiyaan taageerada nidaamka dilaaga ah ee Israel, waxayna arki doonaan gobolka oo ammaan ah iyo xaalad ka wanaagsan, xitaa wareejinta tamarta.” Ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale Hossein Amir-Abdollahian, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in Mareykanka uu dalkiisa ka codsaday in uu gacan ka gaysto, sidii loo joojin lahaa weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah Israel iyo danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe.

“Waxaan u caddeynay Mareykanka in kooxahaasi ay go’aansadeen iyagoo danahooda ka duulaya, sidii ay u taageeri lahaayeen Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri “Ma dhihi doono, mana amri doono inay joojiyaan weerarada.”

Wasiirka ayaa hadalkan jeediyay, xilli shalay markab laga leeyahay Israel ay diyaarad drone ah ku beegsatay meel ku dhow Xeebaha India.

Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay masuuliyadda weerarkan, haddana Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee lala xiriiriyo Israel.

Xiisaddan ka soo cusboonaatay Badda Cas ayaa ka tarjumeysa in aag kaloo cusub oo halis ah uu ka furmay gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc