Home Wararka Maanta Jubbaland oo u muuqato mid hadda xasilineysa xiisadda Gobolka Gedo

Jubbaland oo u muuqato mid hadda xasilineysa xiisadda Gobolka Gedo

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo tan iyo 18-kii bishan ku sugan Gobolka Gedo ayaa dadaal ugu jira, sidii uu soo geba-gabeen lahaa khilaafka dhowrka sano ka dhex taagan Hoggaanka Jubbaland iyo siyaasiyiinta gobolkaasi.

Khilaafka labada dhinac ayaa cirka isku shareeray, ka dib doorashadii 22-kii bishii August ee sanadkii 2019 ka dhacday Magaalada Kismaayo, mar kalena lagu soo doortay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Inkastoo Maxamuud Sayid Aadan uu ka mid yahay siyaasiyiinta gobolka ee taageersan Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa waxaa haddana muuqatay in ay ka saameyn badnaayeen garabka kale ee sida weyn uga horyimid dib u doorashadiisii, waana garabka mucaaradka oo tan iyo xilligaa diidanaa sifaha uu Madaxweynuhu ku joogo xafiiska.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sidoo kale qaadacday doorashadaasi ayaa Gobolka Gedo ka dhigtay mid ka soocon Jubbaland inteeda kale, ka dib markii ay bedeshay maamulkii gobolkaasi iyo Gudoomiyeyaashii Degmooyinka ee loo arkayay inay taabacsan yihiin Madaxtooyada Jubbaland, iyadoona ku soo bedeshay kuwo taageersan siyaasaddii xilligaasi ee Villa Somalia. Dowladdii Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale gobolkaasi u daabushay dhowr kun oo askari.

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa hadda doonaya in uu soo afjaro khilaafka muddada afarta sano ah ka dhex jira labada dhinac, isagoona gobolka ka wado dadaalo ay tahay in khilaafkaasi lagaga gudbo.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa maalmahaanba gobolka ka waday kulamo uu la lahaa Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, si xiriirka labada dhinac loogu soo celiyo mid caadiya.

Madaxweyne Kuxigeenka oo Axaddii oo ugu dambeysay Degmada Doolow kula kulmay qaybaha bulshada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda ay leedahay xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee hareeyay gobolkaasi.

Dhanka kale Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegaya in muddooyinkii ugu dambeysay ay si dahsoon ugu lug lahayd siyaasadda gobolka, isla-markaana ay kala furfureyso siyaasiyiinta mucaaaradka, si mustaqbalka dhow loo helo Jubbaland mideysan.

Khilaafka siyaasadeed ee 4-tii sano ee ugu dambeysay ka taagnaa gobolkaasi ayaa dib u dhac ku keenay mashaariicdii horumarineed ee gobolka ka jiray.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha Jubbaland, Axmed Xuseen Baraki (Zubeyr) oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka ee ku sugan gobolkaasi ayaa Axaddii Doolow ka sheegay in gobolka ay dib uga bilaabayaan mashaariicdii horumarinta, isagoona tilmaamay in muddada ay hadda ku sugan yihiin gobolkaasi ay Degmooyinka Beled Xaawo, Baardheere iyo deegaano kale ka bilowdeen mashaariic kala duwan oo horumarineed.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxtooyada Jubbaland ayaad mooddaa in hadda ay si rasmi ah dib ugula wareegeyso masuuliyadda maamulada ee degmooyinka gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc