Home Wararka Caalamka Macluumaad la xirira: Xaaladda Marinka Gaza

Macluumaad la xirira: Xaaladda Marinka Gaza

by Laacib

Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ayaa wajahaya xaaladdii ugu adkeyd ee qarnigan laga diiwaangeliyo Bariga Dhexe, ka dib markii Ciidamada Israel ay kordhiyeen weerarada dhinaca cirka ah ee ay ka gaysanayaan magaaladaasi.

Duqaymaha muddo toddobaadka ka badan ee ku socdo dadka reer Gaza ayaa inta la xaqiiiyay waxaa ku dhintay in ka badan 2,670 qof, halka ku dhawaad toban kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Duqaymahan ayaa si weyn u saameeyay goobaha caafimaadka ee Gaza, iyadoona ay tirada meydadka ka bateen qaboojiyeyaasha lagu keydiyo meydadka, ka hor inta aan la aasin.

Inkastoo ay jiraan boqolaal kun oo ka mid ah dadka deegaanka oo lagu khasbay in ay guryahooda ka barakacaan, haddana waxaa jira dad kale oo ka biyo diidan in ay magaalada isaga baxaan.

Tan nolosha sii adkeysay ayaa ah, iyadoo Maamulka Israel uu horaan magaalada ka jaray adeegyadii biyaha, korontada, dawooyinka iyo sahayda cunnada, mana jiraan gaadiid gargaar ama shidaal sida oo gudaha u geli kara Marinka Gaza.

Maamulka Israel ayaa xalay dib u fasaxay tumbooyinkii biyaha ee koonfurta Gaza, inkastoo waqooyiga magaalada oo dadku ku badan yihiin uu weli biyaha ka go’an yahay.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Taliska Militariga uu hakiyay hawlgalkii dhulka ee lagu waday in ciidamadooda ay ka sameeyaan Gaza, sababo ku aaddan sida ay sheegeen is bedel cimilada ah iyo roobabka dayrta oo ka curtay gobolka.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo mar kale Axaddii ka soo muuqday Warbaahinta maamulkaasi ayaa ku goodiyay in Israel ay baabi’inta doonto Ururka Xamaas ee ka arrimiya Gaza.

Caalamka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dembiyada dagaal ee Israel ka gaysaneyso Gaza.

Indhaha bulshada dunida ayaa ku sii jeeda wararka dhiilada leh ee ku aaddan dhibaatada uu maamulkaasi ka wado dhulka Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc