Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Madaxweynaha Tanzania (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Madaxweynaha Tanzania (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Daaru Salaam ee dalkaasi Tanzania kula kulmay haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalkaasi, Samia Suluhu Hassan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha gobolka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia oo Warbaahinta Qaranka ay baahisay.

“Labada Madaxweyne ayaa kulankooda ku fallanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira socdaal rasmi ah oo uu ku joogo dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, ka dib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sidoo kale kulankaasi ku aqbashay martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah inay socdaal ku timaaddo Somaliya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khamiistii gaaray Magaalada Daaru Salaam ayaa Jimcihii madaxda dalkaasi kala qaybgalay munaasabadda maalinta midnimada dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc