Home Dhacdooyin Madaxii kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin oo shil diyaaradeed ku dhintay

Madaxii kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin oo shil diyaaradeed ku dhintay

by Laacib

Madaxii xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa la sheegaya in shil diyaaradeed uu ku dhintay Arbacadan.

Waaxda Gaadiidka Ruushka ayaa soo saartay liiska magacyada toban qof oo la socday diyaaraddaasi, kuwaa oo dhammaantoodba shilka ku dhintay. Liiska ayaa waxaa ka soo muuqday magaca Hoggaamiyaha Wagner.

Wakaaladda Wararka AP oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Shaqaalaha Gurmadka Ruushka ayaa sheegtay in Yevgeny Prigozhin uu ka mid ahaa dadka ku geeriyooday shilkaasi.

Diyaaradda oo ka ambabaxday Magaalada Moscow ayaa ku sii jeeday Magaalada St. Petersburg ee dalkaasi Ruushka.

Wakaaladda Wararka Ruushka ee Tass ayaa sheegtay in diyaaraddu ay 30 daqiiqo uun hawada ku jirtay, markii ay dhaceysay.

Tass waxay sheegtay in diyaaradda ay la socdeen toddobo qof oo rakaab ah iyo saddex shaqaale, waxa ay intaasi ku dartay in illaa iyo hadda la helay meydadka afar qof.

Barta Telegram-ka ee Grey Zone oo lala xiriiriyo Madaxa Wagner ayaa lagu sheegay in Ciidanka Cirka Ruushka ay diyaaraddaasi ku soo rideen Gobolka Tver, oo waqooyi galbeed kaga beegan Caasimadda Moscow.

Qoraalka Grey Zone ayaa lagu sheegay in dadka deegaanka ay maqleen jug, ka hor inta aanay diyaaraddu burburin.

Diyaaradda oo ahayd nooca yaryar ayaa la arkayay dab xoogan oo kacay, wax yar uun ka dib markii ay dhacday.

Yevgeny Prigozhin ayaa daba-yaaqadii bishii June lagu eedeeyay in uu sameeyay isku day afgembi, oo ka dhan ah Dowladda Madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxa Wanger ayaa xilligaasi sheegay in gadoodka xoogagiisa uu la xiriiray, ka gadaal markii uu dhibsaday sida uu sheegay habdhaqanka Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, kaas oo muddooyinkii ugu dambeysay uu ku eedeynayay inuu xagal daacinayo dagaalka Ukraine.

Madaxweyne Putin oo ka carooday afgembiga dhicisoobay ayaa ku goodiyay inuu ciqaabi doono kooxda Wagner, inkastoo dhexdhexaadin uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko lagu heshiiyay in Madaxa Wagner uu musaafuris ahaan ugu noolaado dalkaasi.

Xoogaga Wagner ayaa ka barbar dagaalamayay Ciidamada Ruushka ee ka dagaalamaya dalka Ukraine.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc