Home Wararka Caalamka Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria oo xilka loo dhaariyay (SAWIRRO)

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria oo xilka loo dhaariyay (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria, Bola Tinubu ayaa maanta lagu caleemo-saaray magaalada caasimadda ah ee Abuja.

Madaxweynaha ayaa waxaa isla maanta lagu dhaariyay munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalo madaxda dalkaasi, iyadoona uu dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Olukayode Ariwoola.

Madaxweynaha ayaa xilka kala wareegay Madaxweynihii xafiiska kaga horreyay waa Muhammadu Buhari, kaas oo dalka soo maamulayay tan iyo sanadkii 2015. Labaduba waxay ka tirsan yihiin xisbiga talada haya ee All Progressives Congress (APC).

Bola Tinubu oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Lagos ayaa xilka madaxtinimada ee dalkaasi loo doortay 25-kii bishii February, isagoona xilka hayn doona 4-ta sano ee soo socota. Tinubu ayaana noqonaya Madaxweynihii 16aad ee ay Nigeria yeelato.

Madaxweyneyaasha Ghana, Nana Akufo-Addo, Rwanda Paul Kagame iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa ka mid ahaa madaxdii Afrika ka socotay ee goobjoogga ka ahaa munaasabadda caleemo-saarka iyo dhaarinta isugu jirtay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc