Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Bacaadweyne

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Bacaadweyne

by Laacib

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ay wehlinayaan masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa maanta gaaray deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa deegaankaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Galmudug.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in masuuliyiintan ay halkaasi kulan kula leeyihiin masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan.

Warbaahinta ayaa fahamsan in socdaalkoodan uu la xiriiro dardargelinta hawlgalka militari ee ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii u ambabaxay dalka Eritrea ayaa Madaxweynaha Galmudug u xil saaray dardargelinta iyo hagidda dagaalka lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarka ka dib halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Gulufka Gobolada Dhexe ayaa macno badan u leh Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, oo la eegayo waxa ka qaban doonto xaaladda amni ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc