Home Wararka Maanta Madaxweynaha oo u hanjabay kuwa ciidamada u hoosaasinaya argagixisada

Madaxweynaha oo u hanjabay kuwa ciidamada u hoosaasinaya argagixisada

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa farriin u diray Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo daaran hawlgalka dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo xoogaga deegaanka ku bogaadiyay dagaalka la doonayo in ay ku wiiqaan kooxaha argagixisada.

“Ciidanka waxaan leeyahay geesiyaal ayaa tihiin, dalkan Shabaab maalintii dagaalkiisu uu bilaabanayay meeshii uu Shabaab joogay, dhulka suu ugu baahsanaa iyo maanta meesha uu joogo waad ogtihiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidanka waxaan leenahay bal dib u eega, maalintii dagaalka laga soo bilaabay tuulada Bacda oo ka mid ah Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud meelaha ay iska soo galaan, illaa Cowsweyne, Ceelbuur iyo Wabxo inta ay isu jiraan dhul ahaan, bal qiyaasa. Webiga Shabelle ka bilow illaa Badweynta Hindiya (Indian Ocean) xeebteeda ee Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, xeebaha dhaadheer ay leeyihiin ku geey, dhulka baaxadaa le’egaa xoreyseen, dhulka baaxadaa le’eg ayaa cadow ka qabateen, dhulka baaxadaa le’eg ayaa geesiyaal walaalihiin ah oo magacyo leh ay nafta u hurreen. Geesiyaashaas waxaa ka mid ahaa ciidanka difaaca shacabka ee deegaanada, wiilal geesiyaal ah oo la garanayo oo la yaqaano ayaa naftooda u huray oo ka tirsan deegaanada, deegaan kasta oo Shabaab joogana kula diriray.”

Waxa kaloo uu yiri “Waxaa naftoodii ku waayay geesiyaal odayaasheennii, akhyaarteennii iyo dhaqankeennii ah, oo ay ahayd guryaha inay noo joogaan, annagu aan dagaalka aadno dhallinyarada haddaan nahay ay ahayd. Iyagii ayaa inta soo baxay qoryahoodii soo qaatay dhallinyarada la soo galay safka hore, qaarkood ku dhinteen oo ku shahiideen dagaalka oo la wada garanayo, oo uu ka mid yahay Cilmi Hagar, mar walbana la sheego. Qiimaha intaas le’eg ayaan soo bixinay, meeshaasaa ka soo bilownay, maantana meeshaas kalaa joognaa.”

Madaxweynaha ayaa ciidamada ugu yeeray in ay kala saaraan guulaha dagaalka laga gaarayo iyo goob uu dagaal ama weerar ka dhacay oo waxyeelo ay ka dhalato, isagoo dhanka kalena sheegay in Shabaabku ka been sheegeen khasaaraha ciidamada ka soo gaaray weerarkii Sabtidii ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud.

“Labada waxyaabood oo inaan kala saarno u baahan waxay tahay guud ahaan guusha dagaalka ee xoreynta iyo goob dagaal ka dhacay, wixii ka dhacay. Waxaan rabaa xogta dhabta ah beenta lagama sheego, xogta dhabta ah ee Cowsweyne waxay ku soo uruurtay Shabaabka tirada ciidanka waa ka dilnay ay yiraahdeen inuu been yahay, waxay ku soo uruurtay tirada ay ciidankaa ka dilnay yiraahdeen in tiro ka badan 190 xabaalo wadareed inay dadkoodii dhintay ku duugeen, waxaa intaas dheer dhaawacoodii inay iyagu dhameystireen. Isbitaal uma hayaan, dawo uma hayaan, meel ay geeyaan ma hayaan, waxay noqotay inay iyagu dhameystiraan kuwoodii dhaawaca ahaa. Xabaalo wadareedkaas Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed waa gaarayaan, waa la baari doonnaa, waana la arki doonnaa, meelaha ay joogaan xabaalo wadareedka ay ka sameeyeen, oo ay dadka jamaaciga ah ku aaseen, oo ahaa ciidamadoodii.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay “Sawirro ay isku soo kab-kabeen, oo ah qalab ay mar hore Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka AMISOM ka qaateen inta ay isku soo kab-kabaan, oo ay isku soo xirixraan inay been ka sheegaan waaye waxa barraha Saxaafadda iyo Warbaahinta wareegaya in badan oo ka mid ah.”

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa qiray in ciidamadu uu khasaare ka soo gaaray weerarkii Cowsweyne, marba haddii ay dagaal ku jiraana ay dhimasho iyo dhaawacba filan karaan.

“Waa run wiilaa naga dhintay oo dagaalaa aadnay, dagaal waa lagu soo dhintaa, waana lagu soo dhaawacmaa, guul, sharaf iyo haybadaa laga la soo noqnaa. Hooyada wiilkeeda dalka xoreynayo sharaf ayay dheer tahay hooyada wiilkeeda meelo kaloo maslaxadda caamka ah aan ka shaqeynayn, wax bay dheer tahay. Waxaa la joogaa waqtigii geesiyaasha mudan in la abaalmariyo, la abaalmarin lahaa, waxaa la joogaa waqtigii kuwa awoodda ciidanka ee la siiyay ku takri-falay, qiyaanada sameeyay, dadka mar dab-dabeeyay, waagii lala xisaabtami lahaa bilowgeedii waa la joogaa, waana la isla xisaabtamayaa, dowladnimo waa isla xisaabtan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Kuwa ka shaqeynaya in ciidanka ay tashwiish geliyaan, ogaada waa Shabaab, noogama sokeeyaan kan Shabaabka ah ee qoriga iyo qaraxa wato, noogama sokeeyaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada kula dardaarmay “Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ceebna ma lihdiin, cannaana ma lihdiin, waad dadaasheen, waadna qabateen doorkii idiinku filnaa. Dad idiinku dhex jiro Sarkaal ha ahaado ama askari ha ahaado ama qof kale ha ahaadee oo khalad sameeyay hadduu jiro, waa lala xisaabtamayaa, laakiin khaladkiisa yaanu qofna ku garab siinin.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc