Home Wararka Caalamka Madaxweyne Erdogan oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran (SAWIRRO)

Madaxweyne Erdogan oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Ankara ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian.

Xafiiska Madaxweynuhu ma faah faahin waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen, balse kulankooda ayaa la fahamsan yahay in uu la xiriiro xiisadda dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe, ee u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Israel.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa sidoo kale la kulmay dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in socdaalka Wasiirku uu la xiriiro xaaladda Falastiin, is bedelada gobolka iyo xiriirka labada dal.

Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka hadlayay shir jaraa’id ay si wadajira u qabteen dhiggiisa Iran ayaa sheegay inaysan Ankara doonayn in colaadda ay ku baahdo gobolka oo dhan.

“Turkiga ma doonayo in dagaalka Gaza uu isu bedelo dagaal goboleed, waxaana sii wadaynaa inaan marka hore ka shaqayno xabad joojin, ka dibna nabad waarta.” Ayuu yiri Wasiirku

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri “Xalku waa waajib ay aqbali doonaan Falastiiniyiinta iyo dalalka gobolka.”

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu qaado masuuliyadda, oo uu damaanad ka noqdo xal u helidda colaadda labada dhinac, si looga fogaado inaanu dagaalku saamayn gobolka intiisa kale.

Fidan ayaa sheegaya in Turkigu uu wado qorshe horseedaya in laba dowladood ay yeeshaan Falastiiniyiinta iyo Israel, isagoona dalalka gobolka ka codsaday in ay taageeraan geeddi-socodkan.

“Waxaan u baahanahay labada dhinacba inay sameeyaan xoogaa tanaasulaad ah, si heshiis loo gaaro, waana inay ku adkeystaan ​​ballanqaadkooda.” Ayuu yiri Fidan.

Fidan ayaa dhanka kale dhalleeceeyay laba wejiileynta Reer Galbeedka, marka aad eegto mowqifyadooda ku aaddan colaadda Ukraine iyo tan Falastiin.

“Haddii aan rabno adduun cadaalad ah, waa inaan had iyo jeer u dhaqanaa daacadnimo iyo joogtayn.” Ayuu yiri Fidan oo intaasi ku daray “Laakiin Midowga Yurub ma rabo inuu maqlo ereyga xabad joojin, sababtoo ah mowqifkiisa xigga Mareykanka, oo Israel ay go’aamiso. Reer Galbeedku waxay lumiyeen mowqifkoodii akhlaaqda wanaagsan, waana ka daalnay dhammaan cudurdaarka dulmiga ee Israel.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka mahadceliyay soo dhaweyntiisa Ankara ayaa soo dhaweeyay damaanad qaadka Turkiga.

“Waxaan qiimeynaynaa soo jeedin kasta oo ka hortagaysa in iska horimaadka uu faafo, waxaana dib loo soo celin doonnaa xuquuqda dadka Falastiiniyiinta.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ciidamada Israel ay dagaalka u adeegsanayaan hub laga mamnuucay dunida.

“Maamulka Sahyuuniyadda wuxuu sii wadaa xasuuqa, isagoon kala sooc lahayn, isaga oo u isticmaalaya dhammaan hubka mamnuuca ah oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka.

Hossein Amir-Abdollahian, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa Mareykanka iyo Israel ku eedeeyay in ay colaadda hurinayaan, isla-markaana ay qaadi doonaan masuuliyadda, haddii dagaalku uu weji kale yeesho.

Israel oo tan iyo 7-dii bishii October duqaymo baahsan ka wadday Gaza ayaa waxaa ku dhintay 8,796 qof, oo ku dhawaad kala bar ay carruur yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc