Home Wararka Caalamka Israel oo xirtay marinka ugu weyn ee gargaarka uu ka galo Gaza

Israel oo xirtay marinka ugu weyn ee gargaarka uu ka galo Gaza

by Laacib

Israel ayaa sheegtay inay xirtay Isgoyska Kerem Shalom oo ku yaala xadka ay la wadaagto Marinka Gaza, ka dib weerarkii gantaal ee ay Xamaas shalay galab ku qaadday Ciidamada Israel ee ku sugan deegaankaasi.

Kerem Shalom oo dhaca xuduudda Israel, Marinka Gaza iyo Masar ayaa ka mid ah meelaha uu ka gudbo gargaarka bani’aadantinimo ee la geeyo Gaza, waana goobta ugu badan ee gargaarka uu ka galo dhulka go’doonsan.

Kerem Shalom ayaa sidoo kale xudun u ah meelaha ugu muhiimsan ee ay maraan badeecadaha soo gala iyo kuwa ka baxa dhulka Falastiiniyiinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa qoraal ku sheegtay in Xamaas ay si ula kac ah uga hortageyso in gagrgaarka la gaarsiiyo dadka reer Gaza.

“Gantaalaha lagu soo weeraray dhanka Kerem Shalom waa mid lagu arbushayo dhaqdhaqaaqa gargaarka ee la gaynayo koonfurta illaa waqooyiga Gaza. Madaafiicda loo adeegsaday marinka loo isticmaalo ujeedooyinka bani’aadantinimo waxay Xamaas si ula kac ah uga hortageysaa in gargaarka la gaarsiiyo dadka rayidka ah.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa dhankiisa sheegay in Xamaas aysan wax dan ahi ka lahayn isgoyska uu gargaarka u soo maro dadka u baahan.

“Dunidu waa inay wax ka qabataa Xamaas, si ay u sii daayaan la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, waana in in dadka rayidka ah laga xoreeyo xukunka xun ee Xamaas.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in weerarkaasi ay kaga dhinteen saddex askari, saddex kalena ay kaga dhaawacmeen.

Xamaas oo sheegatay masuuliyadda weerarkaasi ayaa u muuqatay mid ka careysan ciidamada faraha badan ee ay Israel soo dhoobtay Kerem Shalom, kuwaa oo si joogto ah u carqaladeeya gaadiidka u raran Qaramada Midoobey ee gargaarka geeya Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc