Home Wararka Caalamka Xamaas iyo Israel oo ku guuldareystay inay heshiis ka gaaraan colaadda Gaza

Xamaas iyo Israel oo ku guuldareystay inay heshiis ka gaaraan colaadda Gaza

by Laacib

Waxaa mar kale guuldareystay dadaaladii lagu dhexdhexaadinayay Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas, ka dib markii dhinacyadu aanay wax tanaasul ahi sameynin.

Wada hadalada oo Sabtidii dib uga bilowday dalka Masar ayaa la sheegaya in dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ay gelinkii dambe ee Axaddii quus ka muujiyeen, sida ay wax u socdaan, iyagoona sheegay in wareeg kale oo wada hadal ay dib isaga iman doonaan.

Qorshaha ayaa ahaa in wada hadaladan ugu dambeeyay lagu dhameystiro heshiiska xabad joojinta Gaza iyo in labada dhinac ay maxaabiis is dhaafsi sameeyaan, balse ay caqabaddu noqotay, markii Xamaas iyo Israel ay ka biyo diideen in midkood uu tanaasulo.

Mareykanka oo kaashanaya Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa gadaal ka riixayay in la gaaro heshiis si ku-meel-gaar ah loogu joojinayo dagaalka Xamaas iyo Israel ee ka socda Gaza.

Hindisaha uu Mareykanku watay ayaa ku baaqayay in muddo 40 cisho ah la hakiyo dagaalka, in Xamaas ay sii deyso tobanaan ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, ayna ku bedelato maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel. Hindisaha ayaa sidoo kale u gogol xaarayay in gargaar macno leh la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee sida weyn ugu baahan.

Wafdiga Xamaas ayaa ku adkeystay in heshiis kasta oo lala gaarayo Israel uu noqdo mid horseedaya xabad joojin waarta, si loo sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii.

Inkastoo wafdi ka socday Israel aysan joojin Caasimadda Qaahira, haddana guddi farsamo oo muddooyinkanba ka joogay halkaasi ayaa ka biyo diiday inay qaataan wax aan ahayn xabad joojin kmg ah, taas oo ay natiijadeedu noqotay in aan wax horumar ah laga sameyn dadaaladii laga dhex waday.

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ayaa mar kale ku celiyay inaanu waxba iska bedelin mowqifkoodii hore.

Ismail Haniyeh ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joogteeyo xabad joojinta Gaza, si loo gaaro heshiiska sida weyn loogu baahan yahay.

“Weli waxaan xiiseynaynaa inaan gaarno heshiis soo afjaraya dagaalka, damaanadna qaadaya in Ciidamada Israel ay isaga baxaan Marinka Gaza, si loo sameeyo maxaabiis is weydaarsi.” Ayuu yiri Ismail Haniyeh.

Dhanka kale wafdiga Xamaas ku metelayay wada hadalada ayaa la sheegaya in ay dib ugu laabteen Magaalada Doha ee dalkaasi Qatar.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, William Burns oo isna maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Qaahira ayaa u ambabaxay Caasimadda Doha, isagoona Isniintan wada hadal la leh Madaxda Qatar.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in dhowrka cisho ee soo socda uu William Burns sii joogi doono dalkaasi, si uu u sii wado isku dayada lagu badbaadinayo wada hadalada Xamaas iyo Israel.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inaanu dooneyn inuu fashilmo dadaaladii ay muddooyinkanba xalka ugu raadinayeen colaadda Gaza.

Dowladaha dhexdhexaadiyeyaasha ayaa mar kale isku dayi doona in ay qaadaan tallaabooyin ay isugu soo dhaweynayaan labada dhinac.

Ma cadda sida ay wada hadalada ku sii socon karaan, una guuleysan karaan, haddii aanay waxba iska bedelin mowqifka is diidan ee dhinacyada.

Heshiis kasta oo lagu saleeyo go’aanka Xamaas ayaa horseedaya in la soo afjaro colaadda Gaza, in Ciidamada Israel ay dib ugu laabtaan barrihii ay ku sugnaayeen ka hor 27-kii bishii October, markaas oo hawlgal dhinaca dhulka ah ay ka bilaabeen Gaza iyo in la sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta & maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah, kuna xiran xabsiyada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc