Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Caasimadda Asmara

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Caasimadda Asmara

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Axaddii gaaray Magaalada Asmara ee xarunta dalkaasi Eritrea.

Madaxweynaha Somaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Asmara ku soo dhaweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba cisho qaadan doonto ayaa la xiriirta adkeynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca, amniga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Eritrea ayaa waxaa dhowrkii sano ee ugu dambeysay tababar gaar ah ku qaadanayay qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Waa safarkii labaad ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu sanadkan ku taggo dalkaasi.

Safarkan kii ka horreyay ayuu Madaxweynuhu 8-dii bishii January ugu ambabaxay Caasimadda Asmara, markaas oo Dowladda Soomaaliyeed ay si adag uga hortimid heshiiskii is afgaradka ahaa ee Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishaasi ku gaareen Magaalada Addis Ababa, kuna aaddanaa in Itoobiya laga kireynayo 20km oo marin badeed ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc