Home Wararka Caalamka Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Ruushka oo laba qodob ka wada hadlay

Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Ruushka oo laba qodob ka wada hadlay

by Laacib

Madaxweyneyaasha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii kulan si weyn isha loogu hayay ku yeeshay Magaalada Sochi ee dalkaasi Ruushka.

Kulankan ayay diiradda ku saareen, sidii Ruushka uu dib ugu soo laaban lahaa heshiiskii dhoofinta badarka Ukraine ee Badda Madow iyo sidii loo soo afjari lahaa colaadda dalkaasi.

Geba-gabadii kulankooda, shir jaraa’id oo si wadajira ay u qabteen ayuu Madaxweynaha Ruushka ku sheegay inaanan laga hadli karin is hortaagga uu dalkiisu ku sameeyay heshiiskaasi, oo Ukraine u ogolaanayay inay si nabdoon wax soosaarkeeda beeraha uga dhoofiso dekedaheeda Badda Madow.

Ruushka ayaa bartamihii bishii July ka baxay heshiiskan oo hal sano jiray, ka dib markii ay Moscow sheegtay inaanay wax faa’iido ahi ku qaban heshiiskaasi, isla-markaana aanay dib u cusbooneysiin doonin.

Madaxweyne Putin ayaa dhiggiisa Turkiga u sheegay in Ruushku uu heshiiska ku soo laaban doono, kolka ay Reer Galbeedku buuxiyaan shuruudihiisa.

Putin ayaa sheegaya si wax looga qabto cunno yarida dunida ka jirta inay go’aansadeen in sareen dhan hal milyan oo tan ay u diraan qaar ka mid ah dalalka Afrika, weliba si bilaash ah.

“Ka Ruushka ahaan, inkastoo ay caqabado jiraan waxaan go’aansanay inaan sii wadno dhoofinta cuntada iyo waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha, si ay gacan uga gaysato xasillinta qiimaha iyo hagaajinta xaaladda wax soosaarka ee beeraha caalamka.” Ayuu yiri Putin.

Putin ayaa yiri “Ujeeddooyinkan waan sii wadaynaa, si loo abaabulo dhoofinta hal milyan oo tan qamadi ah oo laga qaadayo Ruushka, lana sii marinayo Turkiga, ka dibna gaadiid bilaash ah loogu qaado dalalka ugu saboolsan dunida.”

Putin ayaa intaasi ku daray in dalkiisu aanu marnaba diidin wada hadalo nabadeed oo lala galo Ukraine, haddana uu diyaar u yahay.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan sheego in Ruushka uusan weligiisa diidin wada hadalo nabadeed oo lala galo Ukraine, haddana ma diidanin. Madaxweyne Erdogan ayaan arrimahan ku soo hadalqaadnay kulankeennii, waana u xaqiijiyay.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay dadaal ugu jiray, sidii Moscow ay dib ugu soo laaban lahayd heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga iyo Qaramada Midoobey.

Putin ayaa ballanqaaday, haddii dalkiisa laga qaado cunaqabateynta dhaqaale ee ay Reer Galbeedku saareen in maalmo gudahood uu dib ugu soo laaban doono heshiiskii badarka ee Badda Madow.

Putin ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in marinada Badda Madow aan loo isticmaalin arrimo ciidan, haddii taasi wax laga qabtana ay Moscow sii socod siin doonto heshiiska.

Moscow waxay ka cabaneysaa xanibaadaha maraakiibta iyo caymiska oo caqabad ku noqday ganacsigeeda beeraha.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhinacyada ugu baaqay in wax laga qabto caqabadaha jira, si heshiisku uu u sii shaqeeyo.

Ruushka iyo Ukraine ayaa dibadda u iibgeeya boqolkiiba soddon (30%) sareenka dunida laga isticmaalo, taas oo ka dhigan boqolkiiba afartan (40%) sareenka Afrika laga isticmaalo, waana sababta heshiiskan loogu arko mid muhiim u ah saadka cunnada adduunka, gaar ahaan Afrika iyo Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc