Home Wararka Caalamka Markab gargaar sida oo markii ugu horreysay gaaray Xeebaha Gaza (SAWIRRO

Markab gargaar sida oo markii ugu horreysay gaaray Xeebaha Gaza (SAWIRRO

by Laacib

Markabkan oo sida shixnad gargaar oo gaareysa 200 oo tan ayaa Jimcihii gaaray Xeebaha Gaza, si lagaga jawaabo khatarta macluusha ah ee la sheegay in dadka reer Gaza ay qarka u saaran yihiin.

Markabka oo ay maamusho kooxda Open Arms ee dalka Spain ayaa ka soo ambabaxay Jaziiradda Cyprus, isagoo jiidaya doon ay ku raran yihiin cunto ay soo dirtay World Central Kitchen, oo ah hay’ad samafal oo uu aasaasay cunto kariye caan ah oo lagu magacaabo José Andrés.

Markabka oo uu ka babanayo Calanka Spain ayaa wata cinjir biyaha sabeynaya, oo sahayda gargaarka gaarsiin kara dhulka xeebta ah.

Ujeedka ayaa ah in la daahfuro marin badeed oo ammaan ah, si hadda ka dib gargaarka lagaga soo daabulo Cyprus, iyadoo la yareynayo dhibaatada bani’aadantinimo ee ka dhalatay go’doominta adag ah ee ay Israel horaan gelisay Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain, Jose Manuel Albares oo maalmahaanba socdaal ku marayay Bariga Dhexe ayaa Israel ugu yeeray inay joojiso weerarada iyo go’doominta Gaza.

Israel ayaa wajaheysa cadaadis caalami ah oo looga dalbanayo inay ogolaato in gargaar wax ku ool ah uu gaaro dhulka go’doonsan, ka dib in ka badan 5 bilood oo xiriir ah oo dagaal uu dhex marayo ciidamadeeda iyo xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Dunida oo ka walaacsan masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza ayaa dalbaneysa in la joogteeyo kaalmada bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka rayidka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc