Home Dhacdooyin Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukuntay 5 nin oo tacadi ka gaystay Boosaaso

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukuntay 5 nin oo tacadi ka gaystay Boosaaso

by Laacib

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageed ku riday 5 nin oo dhallinyaro ah, oo maxkamaddu ku heshay inay horaantii bishan xilli habeen ah tacadi kula kaceen qoys danyar ah oo ku nool Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Raggan ayaa barraha bulshada ku baahiyay muuqaal ay ku handadayaan qoyskaasi, falkaas oo ka careysiiyay ummadda Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa hoggaamiyihii kooxdan oo lagu magacaabo Yuusuf Axmed Cali ahna 18 jir ku xukuntay 6 sano oo xarig ah.

Maxkamadda ayaa min 5 sano oo xabsi ah ku xukuntay Saacid Cabdirisaaq Cismaan, Cabdalle Axmed Maxamed, Cabdinaasir Jaamac Siciid iyo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Bootaan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhammaan ku xukuntay min afar kun oo dollarka Mareykanka ah ($4,000), oo ah magdhowga muuqaalkii ay ku suurad xumeynayeen qoyskaasi iyo min kun dollar ($1,000) oo qayb ka ah ganaaxa garka loo geliyay. Wadarta guud ee lacagta lagu xukumay inay bixiyaan ayaa ah shan iyo labaatan kun oo dollar ($25,000).

Garsoorka ayaa sheegay in xukunsaneyaasha ay haystaan qaadasho rafcaan, muddo 30 maalmood gudahood ah.

Tacadiga lagu la kacay qoyskan oo hadalhayn xoog leh ka dhex dhaliyay qaybaha bulshada ayaa xudun u ah gabdho ka soo kala jeeda labada qoys, oo sida la sheegay iska maagay barraha bulshada.

Raggan ayaa muuqaalka laga dhageysan karay, iyagoo qoyskaasi ugu hanjabaya in ay habeenka xigga ugu soo daadan doonaan hoygooda, isla-markaana ay laayi doonaan, haddii gabadhooda aanay wax raaligeln ah ka bixin aflagaaddo ay sheegeen inay kula kacday mid ka mida Odayaasha Dhaqanka ee ku heybta ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc