Home Wararka Caalamka Netanyahu oo saxiixay amarka ay ciidamadiisa ku weerarayaan Rafah

Netanyahu oo saxiixay amarka ay ciidamadiisa ku weerarayaan Rafah

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii saxiixay amar ay ciidamadiisa guluf dhinaca dhulka ah uga bilaabayaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Warbaahinta Israel oo soo xiganeysa Saraakiisha Ciidamada ayaa ku warantay in Taliska Militariga uu hadda amar buuxo u haysto duulaanka Rafah.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa dhegaha ka fureystay digniinaha kaga imaanaya hoggaamiyeyaasha caalamka, oo ay ku jiraan xulafada Israel ee ku aaddan inaanan la weerarin Rafah.

1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah oo horey loogu khasbay in ay ka barakacaan guryahooda ayaa gabaadsanaya deegaanka Rafah, oo dhaca xadka Gaza iyo Masar.

Shacabka Falastiiniyiinta ah ee ku nool dhulka ciriiriga ah ayaan haysan goob kale oo nabdoon oo maanta ay ku barakici karaan, sida ay sheegeen Saraakiisha Qaramada Midoobey.

Rafah waxaa lagu sheegay goobtii ugu dambeysay ee ay dadka rayidka ah kaga baxsanayeen duqaymaha joogtada ah ee Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza, iyadoo duniduna ay walaac xoogan ka muujisay duulaanka Rafah.

Netanyahu ayaa Isniintii sheegay inuusan dooneyn inuu ka tago afar meelood oo meel dhulka ay ku sugan yihiin sida uu yiri argagixisada Xamaas.

Qaramada Midoobey ayaa mar sii horreysay sheegtay, haddii aanay Israel ka laaban qorshaha ay ku weerareyso cirifka koonfureed ee Gaza ay xaaladda bani’aadantinimo ee dadka rayidka ah noqon doonto masiibo ka baxsan qiyaasaha bani’aadanka.

Hawlgalka dhinaca dhulka ee Rafah waxay u badan tahay in uu khasaare xoog leh ka soo gaaro dadka rayidka ah, taas oo uga sii dareysa masiibada bani’aadantinimo ee markii horeba ka jirtay dhulka ay dagaaladu ka socdaan.

Netanyahu ayaa go’aankan qaatay, ka dib kulan ay yeesheen waxa loogu yeero Golaha Wasiirada ee dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc