Home Wararka Maanta Nin hubeysan oo laba nin ku dilay Degmada Dayniile

Nin hubeysan oo laba nin ku dilay Degmada Dayniile

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta laba nin lagu dilay Degmada Dayniile.

Wararka ayaa sheegaya in nin ku hubeysnaa qori AK47 uu rasaas oodda uga qaaday raggaasi, ka dibna uu ka baxsaday Waaxda Kordamac oo falkaasi uu ka gaystay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ninkan uu labada nin weeraray, xilli ay la socdeen mooto bajaaj, ayna u geeriyoodeen rasaastii uu ku furay, iyadoona markii dambe meydadkooda la geeyay Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID.

Labada nin ee la dilay oo shacab ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Cismaan Shidane iyo Cabdi Nuur Sandheere (Cabdi Geedow).

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninka dilka gaystay iyo dhibaneyaasha ay ahaayeen dad dhaxal wadaag ah, maalmihii ugu dambeysayna uu ka dhaxeeyay khilaaf dhuleed.

Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Dayniile ayaa gudaha degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran ka baadigoobaya dembiilaha.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Degmada Dayniile, Cali Cabdi Faarax oo gelinkii dambe ee maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka dilka gaystay uu ahaa goofley, isla-markaana aanu ahayn askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa tilmaamay inay maleynayaan in ninkaasi uu haystay qori sharciyeysan, isla-markaana uu u adeegsaday dilka labadaasi nin, waxaana uu xusay in muddo 24 saac gudahood ah ay gacanta ku soo dhigi doonaan, ayna horkeeni doonaan sharciga.

Dilkan ayaa hadalhayn badan ka dhex dhaliyay bulshada ku dhaqan degmadaasi, gaar ahaan Waaxda Kordamac.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc