Home Wararka Maanta Qarax ay dad badan ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ay dad badan ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

by Laacib

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu gaystay qarax xalay fiidkii ka dhacay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska SOS, iyadoona ay waxyeelada ugu badan ka soo gaartay dad la socday gaari nooca dadweynaha iyo mooto bajaaj.

Xilligii uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa waddada ku lugeynayay dadweyne fara-badan, waxaana xusid mudan in Isgoyska SOS uu ku yaalo goob aad u mashquul badan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran ay gaartay rakaab la socday gaari Caasi ahaa iyo mooto bajaaj.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war uu soo saaray ku sheegay in shan qof ay ku dhinteen qaraxaasi, tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii sida uu talisku sheegay lala eegtay gaari nooca dadweynaha ah iyo mooto bajaaj.

“Khasaaraha uu qaraxu reebay ayaa ah dhimashada 5 qofood iyo dhaawaca tobaneeyo kale, oo dhammaantood goobta marayay.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Ciidamada ammaanka oo goobta ku baxay ayaa gurmad la gaaray dadkii shacabka ahaa ee goobta ku waxyeeloobay.”

Taliska Booliska ma sheegin nooca uu qaraxu ahaa, balse waxa ay ku eedeeyeen kooxaha argagixisada.

Khasaaraha dhimashada ayaa ka badan kara inta uu Taliska Boolisku sheegay.

Dhanka kale ilo ku dhow dhow laamaha amniga ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in bartilmaameedku uu u muuqday gaari ciidan, oo wax yar ka hor inta aanu qaraxaasi dhicin ka gudbay waddada.

Qaraxan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee muddooyinkii ugu dambeysay ka dhaca Degmada Heliwaa, oo amnigeeda uu si weyn uga soo reynayay.

Heliwaa oo ku taala waqooyi bari ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dadka deegaanka ka sameysanaya, ka dib is bedel dhinaca amniga oo laga dareemay degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc