Home Wararka Maanta Sacuudiga oo sheegay inaysan wax xiriir ah la yeelan doonin Israel, illaa hal shuruud

Sacuudiga oo sheegay inaysan wax xiriir ah la yeelan doonin Israel, illaa hal shuruud

by Laacib

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inaanay xiriir caadi ah la yeelan doonin Israel, illaa iyo inta ay Tel Aviv ka aqbaleyso dowlad ay shacabka Falastiiniyiinta leeyihiin.

Riyadh ayaa Tel Aviv u soo bandhigtay inay aqbasho xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al-Saud ayaa sheegay inuusan jiri doonin xiriir caadi ah oo ay yeeshaan labada dhinac, iyadoo aan xal loo helin Dowladnimada Falastiiniyiinta.

“Waxaa loo baahan yahay in la helo waddo lagu heli karo dowlad la aamini karo oo Falastiini ah, ka hor inta aan xiriir caadi ah la yeelan Israel.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo CNN la hadlay ayaa yiri “Taasi waa habka keliya ee aan ku heli doono faa’iidada, sababtoo ah waxaan u baahanahay xasillooni, xasillooniduna waxay ku imanaysaa marka la xalliyo arrinta Falastiin.”

Ka hor weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Mareykanka ayaa waday dadaalo uu isugu soo dhaweynayo labada dhinac.

Sacuudiga ayaa bartamihii bishii October shaaciyay inay hakiyeen wada hadaladii ku saabsanaa, sidii loo caadiyeyn lahaa xiriirka Israel.

Sacuudiga oo ah dalka ay ku daba feelaan wadamada Islaamka, maadaama ay ku yaallaan goobaha ugu barakeysan ee Islaamka ayaan ebid aqoonsan Dowladnimada Israel.

Sacuudiga ayaan sidoo kale qayb ka ahayn heshiiskii Abraham ee Mareykanka uu sanadkii 2020 ku dhexdhexaadiyay Israel iyo dalalka Emirate-ka Carabta iyo Bahrain oo ka tirsan Khaliijka. Dalalka Suudaan iyo Morocco ayaa sidoo kale xilligaasi xiriir la sameystay Israel.

Si kastaba ha-ahaatee weerarkii lama fillaanka ahaa Xamaas ee ay 7-dii October ku qaadday Israel ayaa la tilmaamaa in uu carqaladeeyay dadaaladii uu Mareykanka garwadeenka ka ahaa ee markii ugu horreysay Washington ay xiriir rasmi ah uga dhex dhalin lahayd Sacuudiga iyo Israel.

Xoogaga Xamaas ayaa weerarka qaaday, xilli la hadalhayay in Sacuudigu uu fuuli doono, waxa lagu sheegay tareenka xiriir hagaajinta, isagoo markaasi raacaya waddadii ay raaceen Emirate-ka Carabta iyo Bahrain ee ay heshiiska nabadda kula galeen Israel.

Sacuudiga ayuu hadda mowqifkiisu yahay in heshiis kasta oo lala galo Israel lagu saleeyo dhismaha Dowladda Falastiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc