Home Wararka Maanta Shabaab oo weerar culus ku galay saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya

Shabaab oo weerar culus ku galay saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa goor dambe oo xalay ahayd weerar culus ku galay saldhig boolis oo Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Wargaduudo, oo laga xukumo Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in abaarihii 1:40am xilliga Geeska Afrika ay maleeshiyadaasi dhowr jiho ka weerareen saldhigaasi, ayna kala wareegeen ciidamadii ku sugnaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya ka hor inta uusan weerarku dhicin in Shabaabku ay burburiyeen anteenadii Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee ku tiilay deegaankaasi.

Wargaduudo oo qiyaastii 42km dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Ceelwaaq ayaa ku taala waddada Ceelwaaq ee aadda Mandhera.

Inkastoo isgaarsiinta deegaanka ay tahay mid ciriiri ah, haddana ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag aad u hubeysan ay gudaha u soo galeen deegaankaasi, isla-markaana ay dhowr jiho ka weerareen saldhigaasi.

Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay in maleeshiyada Shabaabka ay cagta mariyeen saldhigaasi.

Wax badan lagama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyadoo dhinaca kalena aanay weli ka hadlin Dowladda Kenya.

Andalus ayaa weerarkan ka dhacay Wargaduudo ku sheegtay, kiisii ugu horreyay ee cagmarin ah, ee ay Shabaabku ka gaystaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

Tani ayaa imaanaysa, xilli maleeshiyada Shabaabka ay Khamiistii weerar culus kula wareegeen deegaanka Gariley ee Koonfurta Gobolka Gedo, inkastoo saacado ka dib ay suurtagashay in dib looga saaro.

Gariley oo uu ku yaalo saldhig militari ayaa waxaa dhammaadkii bishii June banneeyay Militariga Kenya ee ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoona qayb ka noqday qorshaha ATMIS ay ku yareyneyso tirada ciidamada ka jooga dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc