Home Wararka Caalamka Taliska Militariga Israel oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in saaxada laga saaray Marwan Issa

Taliska Militariga Israel oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in saaxada laga saaray Marwan Issa

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa xalay ku dhawaaqay inay xaqiijiyeen geerida Marwan Issa, oo ka mid ah Saraakiisha Ururka Xamaas.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in ninkaasi lagu dilay duqayn laba toddobaad ka hor ka dhacday dhulka hoostiisa oo gudaha Gaza ah.

“Marwan Issa waxaa lagu dilay weerar ka dhacay dhisme tunnel ah, oo ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Sirdoonka Israel uu xaqiijiyay geerida sarkaalka sare ee ka tirsan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

“Marwan Issa hadda waan ka saarnay goobta. Sirdoonkeenna oo dhan ayaa xaqiijiyay inuu dhintay.” Ayuu yiri Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel.

Izzat Al-Risheq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay inaanan lagu kalsoonaan karin warka ka soo yeeray Israel.

“Laguma kalsoonaan karo sheegashada cadowga. Hoggaanka Militariga ee Izz ad-Din Al-Qassam ayaa arrintan ka jawaabi doona.” Ayuu yiri Izzat Al-Risheq.

Marwan Issa ayaa lagu sheegaa inuu yahay Kuxigeenka Hoggaamiyaha Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam.

Haddii la xaqiijiyo geerida Marwan Issa ayaa wuxuu noqonaya sarkaalkii ugu sarreyay ee laga dilo Xamaas, tan iyo intii uu gobolka dib uga soo cusboonaaday dagaalkan u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc