Home Wararka Caalamka Wada hadalada Xamaas iyo Israel oo dib uga furmaya Magaalada Qaahira

Wada hadalada Xamaas iyo Israel oo dib uga furmaya Magaalada Qaahira

by Laacib

Ururka Xamaas ayaa maanta Magaalada Qaahira u diraya wafdi ku metelaya wada hadalka, si dib loogu bilaabo wada-xaajoodyada laga dhex wado iyaga iyo Israel.

Wafdiga Ururka Xamaas ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiye Kuxigeenka Xamaas ee Marinka Gaza, Khalil al-Hayya.

Dowladda Masar ayaa xaqiijisay in wafdiga Xamaas ay Isniintan iman doonaan Caasimadda Qaahira, si halkaasi ay dib uga bilowdaan wada hadalo rajo laga qabo inuu ka dhasho heshiis xabad joojineed, oo dhex mara Israel iyo Xamaas.

Dadaalada dhexdhexaadinta ee labada dhinac, oo ay garwadeen ka yihiin Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa dib loogu eegaya hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is weydaarsiga.

Ma jirto wax calaamado ah oo muujinaya in horumar laga sameynayo wada-xaajoodyada, marka aad eegto mowqifka is diidan ee labada dhinac.

Israel ayaa dalbaneysa in dagaalka la hakiyo muddo kooban, maxaabiistana la is dhaafsado, balse Xamaas ayaa ku adkeysaneysa in xabad joojintu ay noqoto mid waarta.

Sami Abu Zuhri oo ka mid ah Saraakiisha Xamaas ayaa Axaddii sheegay inaysan aqbali doonin heshiis kasta oo lala gelayo Israel, haddii aan xabad joojinta la joogteeneyn.

Mareykanka ayaa Israel ku cadaadinaya inaysan faro marnaan kala soo laaban wada hadalkan, taas oo labadaba ka qafiifineysa culeysyada ka haysta gudaha.

Mareykanka iyo Israel ayaa cadaadis kala kulmaya muwaadiniintooda, waxaana kordhaya baaqyada looga dalbanayo in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza, ayna tahay in guryahooda dib loogu soo celiyo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza, kuwaa oo ay ku jiraan kuwo haysta laba dhalasho, qaarkoodna ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah.

Heshiis kasta oo wadar ogol ah oo lagu saleeyo go’aanka Xamaas ayaa horseedi doona in la soo afjaro colaadda Gaza, in Ciidamada Israel ay dib ugu laabtaan barrihii ay ku sugnaayeen ka hor October 27-keedii, markaas oo hawlgal dhinaca dhulka ah ay ka bilaabeen Gaza iyo in la sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu soo qafaashay weerarkii 7-dii October, Xamaasna ay ku bedelato maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah, kuna xiran xabsiyada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc