Home Wararka Caalamka Xoghaye Guterres oo si kulul u weeraray Israel

Xoghaye Guterres oo si kulul u weeraray Israel

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa si adag uga hadlay dadka faraha badan ee ku dhimanaya weerarada ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza.

Xoghayaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, sida aan kala sooca lahayn ee Israel ay ciidamadeeda dadka rayidka ah ugu leynayaan Gaza.

Xoghayaha ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay warbixinada maalinlaha ah ee ku aaddan tirada dhimashada ee dadka rayidka ah.

“Dhimashada faraha badan ee Gaza waa mid qalbi jab leh. Waa wax qalbiga taabanaya dhimashada rayidka Falastiiniyiinta ee Gaza.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Xoghayaha ayaa yiri “Hawlgalada militari ee Israel waxay sababeen burbur ballaaran, waxaana lagu dilay tiro badan oo dad rayid ah, si aan horey loo arag, intii aan ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.”

Waxa kaloo uu yiri “Tani waa qalbi jab aan gebi ahaanba la aqbali karin. Bariga Dhexe waa sida sanduuq oo kale, waana inaan samaynaa wax walba oo aan awoodno, si aan uga hortagno colaad ka huri karta guud ahaan gobolka.”

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa dhanka kale sheegay inaanan la ogolaan karin diidmada Israel, ee ah inaanay aqbali karin yegleelidda dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta.

“In Falastiiniyiinta loo diido xaqa ay u leeyihiin inay dowlad yeeshaan, waxay si aan xad lahayn u sii dheerayn doontaa colaad khatar weyn ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka, waana wax aan gebi ahaanba la aqbali karin.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Xoghaye Guterres ayaa Telefishinka Al Jazeera u sheegay in go’aanka laga gaarayo colaadda tobanaanka sano u dhaxeysa Israel iyo Falastiiniyiinta ay ku saleysnaan doonto aqbalka xaqa ay Falastiiniyiinta u leeyihiin dowladnimo iyo ogolaanshaha xalka laba dowladood.

Tel Aviv ayaa iska dhega tirtay carrada caalamiga ah ee ka dhalatay weeraradeeda baahsan ee ay ka sii waddo Gaza, taas oo keentay in bulshada dunida ay Israel u arkaan maamul amaba dowlad argagixiso. Israel ayaana hadda dhegaha ka fureysaneysa baaqyada ku aaddan in loo jiheysto dhismaha dowlad madaxbannaan oo Falastiiniyiintu ay leeyihiin, oo haatan ay u gogol xaarayaan Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa waxaa ku dhintay 25,105 qof, halka in ka badan 62,681 kalena ay ku dhaawacmeen. Axaddii oo keliya ayaa la diiwaangeliyay in duqaymaheeda ay ku dhinteen 178 qof, ku dhawaad 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in haweenka iyo carruurta ay yihiin dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalka.

Qaramada Midoobey ayaa hadda sheegeysa in xaalado u eg macluul ay ka jiraan Marinka gaza, iyadoo ku dhawaad ​​afartii qof ee 2.3 milyan oo qof oo dadka reer Gaza ah ay wajahayaan gaajo aad u daran.

Saraakiisha Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala dhulka yar ee go’doonsan ayaa sheegay keliya qayb yar oo ka mid ah gargaarka loo baahan yahay in la keenay Gaza.

Saraakiisha ayaa sheegay in duqaymaha joogtada ah ee Israel iyo xanibaadaha ciidamadeeda ee waddooyinka ay carqaladeynayaan in kaalmada bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xalay ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto dagaalkeeda uu sheegay inay kaga takhaluseyso Xamaas.

Hanjabaadaha joogtada ah ee Netanyahu iyo dhacdooyinka naxdinta leh ee laga soo sheegayo Marinka Gaza ayaa colaadda ku riixeysa inay ku baahdo gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc