Home Wararka Maanta Xubno Shabaab oo ku dhintay qarax ka dhacay Degmada Buurdhuubo

Xubno Shabaab oo ku dhintay qarax ka dhacay Degmada Buurdhuubo

by Laacib

Wararka ka imaanaaya Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in laba ka mida maleeshiyada Al Shabaab ay maanta ku dhinteen qarax ay doonayeen in ay ku aasaan degmadaasi.

Qaraxa oo ahaa mid si weyn looga maqlayay degmadaasi ayaa ka dhacay afaafka hore ee degmada, gaar ahaan waddo soo gasha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in goobtaasi loogu tagay meydadka laba nin oo ka tirsan mintidiinta Al Shabaab, kuwaa oo xilligaasi ku howlanaa in miinada ay ku aasaan waddada dhinaceeda.

Tani ayaa imaanaysa, iyadoo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay waddo qorshe ay ciidan cusub ugu daabuleyso degmadaasi.

Dagaalka jabhadeynta ay Shabaabku dalka wadaan oo ay qayb ka yihiin qaraxyada ayaa waxaa mararka qaarkood dhacda in ay iyagu ku halaagsamaan dhagartii ay la damacsanaayeen ummadda Soomaaliyeed.

Qaraxyada ay Shabaabku caanka ku yihiin ayaa inta badan waxay waxyeelo ka soo gaartaa dadka rayidka ah, taas oo ka dhigan inaanay gacantoodu sidii ay u qorsheeyeen u gaarin cidda ay doonayaan inay bartilmaameedsadaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc