Allaha u naxariistee Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, oo ahaa Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa maalmihii u dambeysay xaaladdiisa lagu la tacaalayay Nairobi, iyadoona ay geeridiisa xaqiijiyeen masuuliyiinta Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka.
“Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaaladii dib u heshiisiinta Jubbaland, isagoo noloshiisa inta badan u huray midnimada, wadajirka iyo horumarka bulshada. Wuxuu ahaa masuul ay ka go’an tahay in xal loo helo dhibaatooyinka taagan, kuna dadaalayay in uu dadka isu keeno. Waxaan Allah uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskii, ehelkii, bulshada reer Jubbaland iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaweyne Kuxigeenka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door ka soo qaatay nabadeynta, mideynta iyo dowlad dhiska, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo bulshada Jubbaland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.