Home Wararka Maanta Ciidamada diyaarka ku ah xeryaha Muqdisho oo qaarkood loo wado Gobolka Hiiraan

Ciidamada diyaarka ku ah xeryaha Muqdisho oo qaarkood loo wado Gobolka Hiiraan

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay isku diyaarineyso in ciidamo cusub ay gayso Gobolka Hiiraan, ka dib qabsashadii Al Shabaab ee Degmada Moqokori. Shabaabka ayaa Isniintii weerar culus kula wareegay gacan ku haynta degmadaasi.

Iyadoo laga jawaabayo amar la sheegay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku bixiyay in si degdeg ah loogu istaago dib u xoreynta Degmada Moqokori ayay masuuliyiintu ku howlan yihiin in ciidamo cusub loo daabulo gobolkaasi.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ay garab istaag u muujiyeen odayaasha gobolka, iyagoo taageero ka haysta Madaxda Dowladda Federaalka.

Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha degta bariga gobolka ayaa la fahamsan yahay in ay ka xumaadeen, sida ay Madaxda Qaranka uga gaabiyeen dardargelinta hawlgaladii lagu la dagaalamayay maleeshiyada Al Shabaab, inkastoo siyaasiyiinta iyo odayaasha ay hadda muujinayaan niyad wanaag, ka dib ballanqaad ay ka heleen Madaxda Qaranka, lana xiriira inaanan lagu fiirsan dooniin dagaalka ay dadka gobolka kula jiraan maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq uu ka jiro xeryaha ciidamada ee ku yaala Caasimadda Muqdisho, si ciidamada diyaarka ku ah xeryahaasi qaarkood loogu daabulo jiidaha hore ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wasiir Fiqi iyo Taliye Odawaa ay Saraakiisha Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Magaalada Beledweyne u sheegeen in loo soo wado cutubyo ka tirsan Ciidamada Militariga, si ay uga barbar dagaalamaan ciidamadii horey ugu sugnaa gobolka, loogana hortago is ballaarinta Al Shabaab.

Ciidamadan ayaa la filayaa in qaybtood laga dejin doono Magaalada Maxaas, maadaama laga warqabo in Shabaabku ku soo socdaan, ka dib qabsashadoodii Moqokori.

Moqokori ayaa noqoneyso magaaladii ugu weyneyd ee ka baxda gacanta Dowladda Federaalka, tan iyo markii Axmed Macalin Fiqi loo magacaabay jegada Wasiirka Gaashaandhiga.

Fiqi oo horey ugu magacawnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa 27-kii bishii April loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Difaaca Somaliya, waxayna magacaabiddiisa timid, maalmo ka dib, markii Shabaabku ay qabsadeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Aadan Yabaal ayaa Militariga Somaliya u ahayd xarun laga hoggaamiyo hawlgalada Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Aadan Yabaal ayaa deris la ah Moqokori, waxayna labaduba saaran yihiin xuduudda ay wadaagaan labada gobol ee Hirshabelle.

La wareegitaanka Al Shabaab ee Moqokori ayaa maleeshiyada ka taageereysa in muddo ay sii haystaan Degmada Aadan Yabaal, isla-markaana ay ku fidaan dhul hor leh oo ka tirsan Gobolka Hiiraan illaa bariga Gobolka Galgaduud, haddii aanan si dhakhsa ah maamulkii Moqokori loogu soo celin gacanta qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc