Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay dhiggiisa Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Ankara.
Qoraal caawa fiidkii lagu daabacay bogga wararka Villa Somalia ee Facebook ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulanka si gaar ah diiradda loogu saaray sare u qaadista iskaashiga dhanka amniga iyo ciribtirka kooxaha argagixisada.
Qoraal kale oo la soo dhigay barta Villa Somalia ku leedahay X (Twitter) ayaa lagu sheegay in Turkigu uu weli yahay saaxiib la isku halayn karo oo xulafo la ah Somaliya, isla-markaana ka taageeraya arrimaha amniga iyo xoojinta dowladnimada.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Ankara ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladdiisu ay dadaal ugu jirto, sidii loo joojin lahaa is ballaarinta ay Al Shabaab ka waddo Gobolka Hiiraan iyo sidii maleeshiyada looga saari lahaa bariga gobolkaasi.
Labada dowladood ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, kaas oo soconaya muddo toban sano ah.
Turkiga ayaa ku dhawaad toban sano Somaliya ka caawinayay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo qalabeyntooda, amniga, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Militariga Turkiga ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay qayb ka ahaa hawlgalada xagga cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.