Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay ka xun tahay dagaalka ka dhacay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo ciidamo deegaanka ah oo taabacsan in dadka reer Maakhir ay qayb ka noqdaan shirka ka socdo Magaalada Laascaanood ee lagu ballaarinayo Maamulka SSC Khaatumo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay dagaalkii maanta, iyadoona caafimaad u rajeysay kuwii kale ee ku dhaawacmay dagaalkaasi.
“Wasaaraddu waxay tacsi u direysaa muwaadiniinta halkaas ku geeriyooday, waxayna Alle uga baryeysaa caafimaad taam ah, intii ku dhaawacantay.” Ayay wasaaraddu ku sheegtay warsaxaafadeed.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan, sidoo kale bulshada deegaanka iyana waxaan ugu baaqaynaa deganaan iyo xasillooni.”
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hoggaanka bulshada ugu baaqday in ay u istaagaan, sidii loo soo afjari lahaa xiisaddan ka soo korortay Dhahar, iyadoo dhinaca kalena baaq u dirtay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
“Wasaaraddu waxay si xushmad leh uga codsaneysaa Isimada Dhaqanka, Culimada iyo Waxgaradku inay u istaagaan xakamaynta iyo soo afjarista xiisadda Dhahar, lagana hortago dhacdooyinka noocan oo kale ah.
Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa Madaxweynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya colaadda, isla-markaana uu dib u celiyo ciidamada uu ka soo diray Degmada Qardho, kuwaas oo loogu talagalay in ay Khawaarijta la dagaalamaan, balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan waxtar lahayn.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka.
Cali Yuusuf Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa maalmahaanba Magaalada Laascaanood u joogay Shirweynaha Dhameystirka ee SSC Khaatumo.
Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa caawa Dowladda Federaalka ku eedeysay in maleeshiyaad ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ka abaabuleen xiisad colaadeed, taas oo keentay bay wasaaraddu war qoraal ah ku sheegtay dhimasho iyo dhaawac.
Wasaaradda ayaa falkan ku sheegtay mid guracan oo lagu dhabar jebinayo dagaalka ay Dowlad Goboleedka Puntland kula jirto maleeshiyada Daacish iyo Al Shabaab ee ku sugan Buuraha Calmiskaad iyo Calmadow ee Gobolka Bari.
Madaxweyne Deni ayaa 7-dii bishan Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay qalalaase ka abuureyso Puntland, gaar ahaan Gobolka Sanaag, xilli sida uu sheegay ay Puntland diyaargarow ugu jirto inay weerarto maleeshiyada Al Shabaab ee fariisimaha ku leh Calmadow.
Dagaalkan ka dhacay Degmada Dhahar oo bilowday xilligii Salaadda Casirka ayaa soo gaaray 7-dii fiidnimo ee caawa, iyadoo dhinacyaduna ay u muuqdan kuwo weli is horfadhiya.
Inta la ogyahay, ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay dagaalka, in ka badan toban kalena ay ku dhaawacmeen.