Isimada Dhaqanka oo ku baxay xiisadda ka soo korortay Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan ciidamadii Talaadadii ku dagaalamay degmadaasi.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo ciidamo deegaanka ah oo taageersan in dadka reer Maakhir ay qayb ka noqdaan Shirweynaha Dhameystirka ee SSC Khaatumo ee ka socdo Magaalada Laascaanood.
Odayaasha Dhaqanka ayaa maanta waan-waan nabadeed ka bilaabay Dhahar, iyagoona mid ka mid garabyadii dagaalamay ku qanciyay in la qaado ciidamadii dul deganaa magaalada, ka dibna la bilaabo wada hadalo lagu raadinayo in xal laga gaaro xiisaddan ka soo cusboonaatay Gobolka Sanaag.
Xaaladda magaalada ayaa hadda ah mid degan, waxaana meesha ka baxday baqdintii ay dadku ka qabeen in dagaalku uu halkiisa ka sii socon doono.
In yar oo ka mid ah dadkii saacadihii u dambeeyay ka barakacay magaalada ayaa bilaabay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.
Dadkan ku soo laabanaya magaalada ayaa ah kuwii shalay galab, xalay iyo saaka isaga barakacayay guryahooda, waxayna sheegayaan in inta isimadu joogaan Dhahar ay adag tahay in lagu dul dagaalamo.
Isimada ayaa ka shaqeynaya in dhinacyadu ay ka wada hadlaan khilaafka siyaasiga ah ee deegaanka ka jira ee ka dhashay shirka Laascaanood ee lagu ballaarinayo dhismaha SSC Khaatumo.
Puntland ayaa shirka Laascaanood u aragto mid sharci darro ah, waxayna ku andacooneysaa in beelaha halkaasi ku shiraya ay wax ka soo dhisteen Maamulka Puntland, haatana ay sifo aan sharci ahayn ku soo dhisanayaan maamul u gaar ah oo ka madaxbannaan kan Puntland, waana halka uu khilaafka ka jiro.