Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxay sheegtay in aysan aqoonsaneyn Maamulka SSC Khaatumo, ayna dadka degan ka sii mid ahaan doonaan Puntland, inta laga qabanayo shirweyne guud oo wadatashi.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxay sheegtay in beelaha dega Sool iyo Cayn ay si buuxda wax uga soo dhisteen Maamulka Puntland, sanadkii 1998-kii.
Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in beel ka mid ah Puntland aanay yeelan karin maamul u gaar ah, iyadoo aan loo marin sifo sharci ah.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa:-
Dowladda Puntland waxay soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii ka soo baxay Magaalada Laascaanood, waxayna qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool 25kii August 2023. Isla markaasna Dowladda Puntland waxay ku dhawaaqday in ay soo dhaweynayso in Hogaanka dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Dhulbahante ay isugu yimaadaan shir wadatashi, kadibna la qabto shirweyne ka dhexeeya guud ahaan Reer Puntland oo iyagu ay kamid yihiin si looga arrinsado mustaqbalka Gobolada ay dagaan Beesha Dhulbahante. Haseyeeshee, waxaan wali qabsoomin shirarkii wadatashiga ahaa ee lagu gorfeyn lahaa mustaqbalka sharciyadeed ee Deegaanka ay Beeshu dagto iyo ka sii mid ahaanshadooda hannaanka Dawladda Puntland.
Caddeyn
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay caddeynsaa:
1. In si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad iyo qodobkiisa 138-aad, farqaddiisa 1aad iyo 2-aad, Gobolada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan Beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dowladda Puntland, Sanadkii 1998dii.
2. In deegaan ama beel ka tirsan Dowladda Puntland ay yeelato maamul u gaar ah, waxaa ka horreysa in sifo sharci ah loo maro, ayna wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dowladda Puntland 1998dii.
Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyada oo tixgalinaysa rabitaanka Beesha Dhulbahante ee ah in ay noqdaan Maamul gooni ah, waxay go’aamisay qodobada soo socda:
1. Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan Reer Puntland, Gobolada Sool iyo Cayn iyo Beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland, ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.
2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay cambaareynaysaa faragalinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga iyo xasiloonida Dowladda Puntland, iyada oo rabta in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland, fashilisana dagaalka ay Dowladda Puntland iyo Saaxibada Caalamku kula jiraan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS.
3. Dowladda Puntland waxay ku adkeynaysaa Dadka Reer Puntland in ay xoojiyaan midnimadooda, illaaliyaana amniga iyo dowladnimada Puntland.