Home Wararka Maanta Markabkii ay Puntland gacanta ku dhigtay oo ku soo xirtay Dekedda Boosaaso

Markabkii ay Puntland gacanta ku dhigtay oo ku soo xirtay Dekedda Boosaaso

by Laacib

Markabkan oo Jimcihii ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Badda Puntland ayaa gelinkii dambe ee maanta ku soo xirtay Dekedda Magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa markabkan oo sida la sheegay ka yimid dalka Turkiga ku qabtay deegaanka Bareeda ee Gobolka Bari, ka dib markii ay markabku hakiyeen dabeylaha xagaaga, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Puntland ayaa laga soo xigtay in markabka uu wado hubka noocyadiisa kala duwan iyo weliba gawaarida gaashaaman ee ay ciidamadu adeegsadaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Badda Puntland ay arki karayeen markabkaasi oo dhaqaaqi la’, taasina ay keentay in ay doomo yaryar ugu taggaan goobtii uu ku sugnaa, si ay xaaladda haysata wax uga weydiiyaan, ha yeeshee ay ku kadoomeen in hub culus uu sido, sidaasina ay taliskooda ugu wargeliyeen, illaa lagu amray inay u soo kaxeeyaan dhanka Magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dowlad Goboleedka Puntland ay qorsheynayso in markabka iyo hubkaba ay Warbaahinta ugu soo bandhigaan Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ee Somaliya iyo hubeynta dhinac gaar ah ay tahay khalad iyo khatar weyn. Wasiir Juxa ayaa warkan ku sheegay qoraal uu galabta soo dhigay bartiisa Facebook.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay qoryo kala deggeen markabkaasi, isla-markaana ay geeyeen xerada ay Ciidanka Badda Puntland ku leeyihiin Degmada Caluula ee Gobolka Bari.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay Sabtidan bililiqeysteen xeradaasi, oo dadkuna ay sheegayaan in la qaatay hubkii laga la degay markabkaasi.

Dowladaha Somaliya iyo Turkiga ayaan weli ka hadlin arrintan, waxayse tani imaneysaa, iyadoo uu aad u xun yahay cilaaqaadka Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 7-dii bishan Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay qalalaase ka abuureyso Puntland, gaar ahaan Gobolka Sanaag, xilli sida uu sheegay ay Puntland diyaargarow ugu jirto inay weerarto maleeshiyada Al Shabaab ee fariisimaha ku leh Buuraleyda Calmadow ee Gobolka Bari.

Xiriirka Deni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xumaaday bartamihii sanadkii 2023, ka dib markii ay ku kala irdhoobeen arrimaha siyaasadda ee dalka.

Deni ayaa gacan weyn ka gaystay dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoomtay 15-kii bishii May ee sanadkii 2022.

Dadka orodoso siyaasadda dalka ayaa qaba in Deni aanu Xasan Sheekh ka helin wixii uu ka filayay, tanina ay sal u tahay khilaafkooda oo weli taagan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc