U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka, Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in uu ka yimid dad uu dhiigbax ku socdo, isagoo ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Cali Jeyte Cismaan oo toddobaadkii hore gaaray magaaladaasi ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa aysan booqasho u iman halkaasi, balse ay ka soo taggeen dad dhiig baxaya, si ay u helaan gurmadka ay u baahan yihiin.
“Booqasho maanan ahayn, waxaanu ka soo tagnay dad dhiig baxaya oo xaalad adag ku jira, illaa muddo afar sano ah gaareysa dagaal ku jiray, dad shacab ahoo reerna ahna ah.” Ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.
Isagoo sii hadlayay ayuu dadka reer Hiiraan ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab ku ammaanay in ay dhabar-adeyg muujiyeen, si ay isaga difaacaan weerarada maleeshiyadaasi.
“Runtii way dadaaleen, si weyn bayna u dadaaleen, yacni sacrifice bay sameeyeen baa la dhihi karaa, waana walaalihiinoo waad garaneysaan.” Ayuu yiri Cali Jeyte oo intaa raaciyay “Waxaan idiin kula dardaarmayaa waxa dadkaas dhibaato haysta, sidii aad gacan uga gaysan lahaydeen inaad gacan uga gaysataan, idiinkuna aad ka taxadartaan shacab ahaan ama reer ahaanta aad hadda halkan ku fadhisaan inaad nabadgelyada ka shaqeysaan oo aad dowladdiina kala shaqeysaan.”
Jeyte ayaa Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Dowladda Itoobiyaba uga mahadceliyay qaabilaadda ay u sameeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay gacan uga gaystaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, isagoo xusay in horeyna ay u taageereen, haddana ay diyaar u yihiin in taageero kale ay siiyaan dadka gobolka.
Jeyte oo 8-dii bishan gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa maalmo ka dib u ambabaxay Magaalada Jigjiga, isagoo taageero dheeraad ah u raadinaya dagaalka ay Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley kula jiraan Al Shabaab.
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa 9-kii bishan saanad ciidan u soo dirtay gobolka, oo ay ugu talagaleen ciidamada la dagaalamaya kooxaha argagixisada.
Gobolka Hiiraan ayaa dhammaadkii isbuucii koowaad ee bishan laga dareemay xaalad kacsanaan ah, taas oo ka dambeysay Shabaabka oo la wareegay Degmada Moqokori ee bariga gobolkaasi.
Boqolaal nin oo Shabaab aad u hubeysan ah ayaa 7-dii July weerar ballaaran kula wareegay gacan ku haynta Moqokori, ka dib muddo laba bilood ah oo culeys ay ku hayeen deegaanada qaar ee hoostaga degmadaasi.