Home Wararka Maanta Xiisadda Degmada Beledxaawo oo sii hurisay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Xiisadda Degmada Beledxaawo oo sii hurisay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

by Laacib

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxay sheegtay in Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia) ay si lama filaan ah weerar militari ugu qaadday Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland ayaa waxay sheegtay in weerarkaasi oo uu amray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si toos ah uga horimanayo dadaalada nabadeed iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa wax aad looga xumaado ah in diyaarado markii hore loogu deeqay Somaliya, si loogu adeegsado la dagaalanka argagixisada maanta loo adeegsaday in qalalaaso loogu abuuro deegaano nabdoon, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri “Waxaa nasiib darro ah in amarka weerarkaasi uu bixiyay Madaxweynaha Villa Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Tallaabadan waxay dhaawac ku tahay kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.”

Wasaaradda Warfaafinta ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in dagaal xoogan uu maanta ka dhacay degmadaasi, haatana ay amnigeeda gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland iyo shacabka deegaanka oo iskaashanaya.

“Inkasta oo uu dhacay dagaal xoogan, haddana Ciidamada Jubbaland iyo shacabka deegaanka oo iskaashanaya ayaa difaacay magaalada, haatana gacanta ku haya amniga magaalada iyo kan Degmada Beledxaawo guud ahaan.” Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi ku daray “Jubbaland waxay cambaareynaysaa falkan foosha xun ee ay ku kacday Villa Somalia ee ay maanta ku soo weerartay Degmada Beledxaawo, waxayna ka digeysaa soo noqnoqoshada falalka noocan ah oo horseedi kara in dhibaato soo gaarto shacabka reer Jubbaland ee si nabad ah ugu nool deegaanadooda.”

Dagaalkan ayaa ka dhacay Beledxaawo, wax yar uun ka dib, markii Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) uu diyaarad helicopter ah ku tegay xero ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Diyaarad kale oo helicopter ah oo ciidamo ay la socdaan ayaa ka degatay Xerada UK ee duleedka Degmada Beledxaawo.

Cabdirashiid Janan oo horey u soo noqday Wasiirka Amniga Jubbaland ayay wararku sheegayaan in maalmo ka hor ay Dowladda Federaalka u magacawday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo oo ka mid ah saddexda gobol ee Jubbaland ayaa noqday mid ay mar kale maamulkiisa ku hardamayaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay, ka dib doorashadii 25-kii bishii November ka dhacday Magaalada Kismaayo ee markii saddexaad xilka dib loogu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Villa Somalia ayaa si weyn uga hortimid dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland, waxayna doorashadaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah, iyadoona Axmed Madoobe ugu yeertay hoggaamiye hore.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo ifbaxay isbuucii koowaad ee bishii October, ka dib markii Axmed Madoobe uu ka baxay Shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Magaalada Muqdisho ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ee dalka. Waxaa la sheegay in Axmed Madoobe uu qaadacay in la mideeyo Doorashooyinka Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyadoo markaasi ay Villa Somalia soo magacaabeyso guddi doorasho oo maamula Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba.

Khilaafka labada dhinac ayaa meel adag gaaray, markii Jubbaland ay bilowgii bishii November ku adkeysatay inay aadeyso doorasho dadban oo ay u madaxbannaan tahay, taasoo toddobaadyo ka dibna lagu soo doortay 75-ka xubnood ee Baarlamaanka iyo Hoggaanka Jubbaland.

Xiisadda haatan ka soo korortay Degmada Beledxaawo ayaa sii hurineysa khilaafka labada dhinac, waana xilli Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka ee la baxay (Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed) ay waan-waan ka dhex wadeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe, si dowladdu ay u qaaddo cunaqabateynta ay saartay Jubbaland ee dhinaca dhaqaalaha iyo socdaalka, si Axmed Madoobe uu uga soo qaybgalo shirarka looga hadlayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc