Home Wararka Maanta Dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ka jira Gobolka Gedo

Dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ka jira Gobolka Gedo

by Laacib

Xaaladda Gobolka Gedo ayaa u muuqato mid sii cakirmeysa, ka dib dagaalkii Talaadadii ka dhacay Degmada Beledxaawo iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee daba socdo ee ka jira gobolkaasi.

Ciidamada Dowladda ee dagaalka looga saaray degmada ayaa abaabul ka wada Xerada UK ee ku taala duleedka degmadaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno uu ugu sarreyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo sida la sheegay ay dhawaan Dowladda Federaalka u magacawday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan oo shalay gaaray gobolkaasi ayaa gurmad ka filaya dhinaca Magaalada Muqdisho, si ay ciidamadu ugu laabtaan xarumihii laga qabsaday, oo ay ku jiraan Xarunta Maamulka Degmada Beledxaawo, Xafiiska Immigration-ka iyo fariisimo ay ciidamadu ku lahaayeen gudaha degmadaasi.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ay kaabayaan xoogag ka tirsan Xerta Ahlu Sunnada gobolkaasi ayaa si buuxda gacanta ugu haya goobaha ugu muhiimsan ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah oo taabacsan kuwa Jubbaland ay gelinkii dambe ee Talaadadii gaareen Degmada Beledxaawo, ka dib markii ay ka yimaadeen dhinaca Degmada Doolow.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo kale oo u hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo, General Cabaas Ibraahim Gurey, kana ambabaxay Degmada Ceelwaaq ay ku sii jeedaan Beledxaawo.

Jubbaland ayaa xalay caweyskii isgaarsiinta ka jartay Degmada Beledxaawo, si Ciidamada Dowladda ee ku sugan duleedkeeda aanay cidina ula xiriirin, inkastoo saamaynta ugu weyn arrintan ay ku yeelaneyso dadka rayidka ah, sababtoo ah saraakiisha ayaa haddaba isticmaalaya Sim Card-ka Safaricom oo si caadi ah uga shaqeeya Beledxaawo. Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom ayaa ah tan ugu weyn ee dalka Kenya, waxayna xarumo ku leedahay Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari oo deris la ah Beledxaawo. Sidoo kale adeegga internet-ka ay shirkaddan bixiso ayaa ka shaqeeya Beledxaawo.

Saraakiisha Daraawiishta Jubbaland iyo siyaasiyiinta reer Gedo ee ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa isku dayaya in ay difaacaan magaalada, si aysan gacantoodu uga bixin.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo muddooyinkanba ku sugnaa Gobolka Gedo ayaa hadda xaaladda si dhow uga la socda Degmada Mandhera.

Dhaqdhaqaaqyadan iska soo horjeeda ayaa walaac amni ku haya dadka deegaanka, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka labada ciidan uu ka gudbo Xarunta Ganacsiga Gobolka Gedo ee Beledxaawo.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland oo sideeeddii bilood ee u dambeysay uu xiriirkoodu sii xumaanayay ayaa ku loolamaya cidda maamuleysa gobolkaasi. Gobolkan ayaana ka mid ah saddexda gobol ee Jubbaland, waxayna Villa Somalia u aragtaa albaabka ay ka hujuumi karto Jubbaland, marka aad eegto in maamulka uu fadhigiisu yahay Kismaayo uu gacanta ku hayo inta badan deegaanada Gobolka Jubbada Hoose, halka Gobolka Jubbada Dhexe-na ay gebi ahaantiisu ka arrimiso Al Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore ee 2024 sameysay isku day ay ku dooneysay in ay deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose ka weerarto Magaalada Kismaayo, inkastoo ay ku guuldareysatay.

Villa Somalia ayaa u xusul-duubeysa in Jubbaland ay qayb ka noqoto goobaha ay qorsheynayso in sanadka soo socda ay doorashada ka qabato.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc