Home Wararka Caalamka Wada hadalada xabad joojinta Gaza oo mugdi galay

Wada hadalada xabad joojinta Gaza oo mugdi galay

by Laacib

Wafuudda Mareykanka iyo Israel ayaa go’aan ku gaaray inay isaga baxaan wada hadalada xabad joojinta Gaza ee ka socda Magaalada Doha, iyadoo Mareykanka uu Xamaas ku eedeeyay in aysan u dhaqmin si daacad ah.

Wafuudda Mareykanka iyo Israel ku metelayay wada hadaladan ayaa la sheegay in ay wadatashi ugu laabteen dalalkooda.

Xamaas ayaa la sheegay in dhawaan ay soo gudbisay jawaabteeda ku aaddan hindisaha xabad joojinta ee ay Washington soo bandhigtay, si xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza, loona gaaro heshiis ay maxaabiista isku dhaafsanayaan iyaga iyo Israel.

Wararka ayaa sheegaya in Xamaas ay ku adkeysatay in mowqifkeeda uu yahay in heshiis kasta oo la gaarayo lagu saleeyo xabad joojin waarta oo laga sameeyo Gaza, in Ciidamada Israel ay ka baxaan meelaha ay kaga sugan yihiin Gaza, in la qaado xayiraadaha gargaarka bani’aadantinimo iyo in Mareykanka uu damaanad qaado in Israel aysan dib dambe u bilaabi doonin dagaalkan, taas oo Israel iyo Mareykanka ay diidan yihiin.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu kooxdii ka socotay Israel ugu yeeray in ay wadatashi ugu soo laabtaan dalka.

Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa Khamiistii sheegay in dhankooda ay go’aansadeen inay kooxdooda ka soo kaxeeyaan Doha.

“Waxaan go’aansanay inaan kooxdayada ka keeno Magaalada Doha, si aan wadatashi ula yeelano, ka dib jawaabtii ugu dambeysay ee Xamaas, oo si cad u muujineysa rabitaan la’aanteeda xabad joojinta Gaza.” Ayuu yiri Witkoff oo warkan ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Xamaas ayaan ka hadlin eedeyntan uga timid Witkoff, ha yeeshee Xamaas ayaa marar badan ku celcelisay in ay iyadu dooneyso in la helo xabad joojin dhameystiran iyo damaanad buuxda oo lagu xaqiijinayo, ka dib ku dhawaad laba sano oo dagaalka Gaza uu socday.

Dowladaha Qatar iyo Masar oo ah kuwa marti-geliya wada hadalada labada dhinac ayaa saraakiishooda laga soo xigtay in ay jiraan daldaloolo caqabad ku noqday in nooc uun heshiis ah la gaaro.

Mareykanka iyo Israel ayaa muddooyinkan Xamaas ku cadaadinaay in ay aqbasho xabad joojin ku-meel-gaar ah oo soconeysa lixdan maalmood, si kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ay u sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, iyagoo ku bedelanaya in gargaar macno leh la geeyo Marinka Gaza iyo sii deynta boqolaal ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel.

Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ayaan sheegin baahida keentay in wafdigooda ay ka soo laabtaan miiska wada hadalka, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin, laakiin Sarkaal Israeli ah oo aan la magacaabin ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in aanu jirin wax burbur ah oo ku yimid wada hadalada, kooxdooduna ay wadatashi ugu soo laabatay dalka.

Xukuumadda Netanyahu ayaa waxa uu culeys ka haystaa qoysaska ay dadkoodu ka maqan yihiin, oo ku cadaadinaya in heshiis lala galo Xamaas, xitaa haddii ay noqoto in dagaalka la soo afjaro.

Dowladda iyo Taliska Militariga ayuu culeys kale ka soo fuulay dhinaca waalidiinta iyo qoysaska Ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Gaza, kuwaas oo ka soo horjeestay in dhiigga wiilashooda loo adeegsado dano siyaasadeed, waana xilli toddobaadyadii u dambeeyay uu dhiigbax ku socday askartaasi, sababtu tahay iska caabin oo kordhisay weeraradeeda.

Netanyahu oo ah ninka ugu dambeeya ee iska leh go’aanka dagaalka ayaan haddana Xamaas la geli karin heshiis horseedaya in la dhameeyo dagaalkan, iyadoo aan ogolaansho laga haysan Wasiirada xagjirka ah ee axsaabta midigta fog ku metela dowladdiisa wadaagga ah. Dowladdan oo ah mid la wada leeyahay ayaa ku dhisan taageerada axsaabta midigta fog, oo ka soo horjeeda in dagaalka la joojiyo, iyadoo aan Xamaas la burburin.

Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich oo ah labada nin ee ugu xagjirsan dowladda uu Netanyahu hoggaamiyo ayaa wacad ku maray in aysan ka sii mid ahaan doonin dowladda shuraakada lagu yahay, haddii uu Netanyahu diido in la sii wado dagaalkan. Ka bixitaankooda dowladda ayaa dhabaha u xaareysa in dowladdu ay burburto, dalkana laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana waxa uu Netanyahu ka baxsanayo.

Netanyahu ayuu muddo xileedkiisu ku egyahay daba-yaaqada sanadka 2026, isagoona fiirsanaya, sidii uu waqtigiisu ku dhameysan lahaa.

Netanyahu oo ah Raysal Wasaarihii ugu muddada dheeraa ee taariikhda Israel ayaan hubin in mar kale uu xafiiska ku soo laaban doono, bacdamaa dagaalka Gaza uu mudgi geliyay masiirkiisa siyaasadeed ee Israel, marka aad milicsato in dagaalkan uu gudaha Israel ka abuuray kala qaybsanaan aan horey loo arag oo shacabka Israel ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc