Xiisad ayaa weli ka jirta Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay isku hayeen ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Degmada ayaa waxaa Talaadadii ka qarxay dagaal u dhaxeeyo ciidamada labada dhinac, iyadoo xilligaasi kuwii Jubbaland ay u suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gaacan ku haynta xarumaha dowliga ah ee degmada, halka kuwii Dowladda Federaalka ay isugu taggeen Xerada Ciidanka UK ee ku taala duleedka degmadaasi.
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ay kaabayaan xoogag la fahamsan yahay in ay ka tirsan yihiin Xertii Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ee dhowr iyo tobano ka hor wax ka xoreysay degmooyinka qaar ee gobolkaasi ayaa haatan ku sugan Degmada Beledxaawo, iyadoo gelinkii dambe ee Talaadadii, Arbacadii iyo Khamiistii ay Ciidamada Jubbaland gurmad ka heleen Degmooyinka Doolow, Luuq iyo Ceelwaaq.
Ciidamadan ayaa Jimcihii weerar ku qaaday Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi ee lagu magacaabo UK, iyadoona labada ciidan ay weli isku horfadhiyaan duleedka Beledxaawo.
Isku dhacyadan ka soo cusboonaaday Beledxaawo ayaa magaalada ku riixay xaalad colaadeed, waxayna keentay in ay xirmaan inta badan goobaha ganacsiga iyo in ay dadka qaarkood isaga barakacaan guryahooda.
Dowladda Federaalka ayaan illaa iyo hadda wax gurmad ah u dirin gobolka, marka laga soo tago in diyaarad helicopter ah ay saraakiil ciidan ku gaysay duleedka degmadaasi.
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo dhawaan ay Dowladda Federaalka u magacawday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo iyo saraakiisha ay Villa Somalia u dirtay gobolkaasi oo deegaanka u dhashay ayaa bilaabay in ay kala furfuraan ciidamada taabacsan Jubbaland iyo saraakiishoodaba, iyagoo hab beeleed u kala qaybinaya, isla-markaana dhaqaale adeegsanaya.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saraakiisha iyo ciidamada qaarkood ay darafka kale ka soo jeesteen, iyagoo baneynaya garabka Jubbaland.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in ay jiraan saraakiil weli ku adkeysanaya mowqifkooda ka mid ahaanshaha Jubbaland, isla-markaana ay iska diideen in ay ku biiraan dhinaca Dowladda Federaalka.
Saraakiisha Dowladda Federaalka ayay wararku sheegayaan in ay maleeshiyaad ka helayaan deegaanada kale ee gobolka, iyadoo arrintaasi ay gacan ka gaysanayaan odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Gedo ee aan horaanba la dhacsaneyn siyaasadda Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdirashiid Janan iyo saraakiisha ku wehlineysa Xerada UK ay sidoo kale odayaasha iyo siyaasiyiinta ka codsadeen in ciidamada weli la socda Jubbaland ee deegaanka ah ay u soo weeciyaan safka Dowladda Federaalka, haddii ay diidan yihiin in laga diiwaangeliyo Xerada UK.
Kooxda Cabdirashiid Janan ayaa ujeedkooda lagu sheegay inay ka hortagayaan in la isku laayo dadka deegaanka iyo in loo hoggaansamo Dowladda Federaalka.
Cabdirashiid Janan oo Jimcihii la hadlay Universaltv ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo sida uu yiri in uu isku laayo dadka deegaanka, isla-markaana uu burburiyo hantidooda iyo guryahooda.
Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kala deegaan yihiin, isagana aan lagu eedeyn karin in uu hurinayo colaadda Beledxaawo, isla-markaana uu yahay nin deegaankiisii jooga, Axmed Madoobe-na aanu ku guuleysan karin dagaalkan.
Dagaalkan ayaa ka qarxay Beledxaawo, saacado yar uun ka dib, markii Cabdirashiid Janan uu helicopter ku tagey xerada ay ciidamadu ku leeyihiin duleedka degmadaasi.
Xiisaddan ka soo korortay Beledxaawo ayaa walaac ku haysa dadka deegaanka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku barakaceen dagaalkii shalay, markii magaalada lagu garaacay hoobiyeyaal.
Dagaalka ayaa laga cabsi qabaa in uu si dhakhsa ah uga gudbo Beledxaawo, isla-markaana uu ku fido degmooyinka iyo deegaanada kale ee Gobolka Gedo, marka aad eegto in hadda uu weji kale yeelanayo, maadaama saraakiil, ciidamo iyo siyaasiyiin taageersan Jubbaland ay ku sugan yihiin magaalooyinka kale ee gobolka, dagaalkana ay suurtagal tahay in uu saameeyo.
Dagaalka ayaa markii hore ahaa mid u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, haddase waxa uu u xuub-siibanaya dagaal dadka deegaanka dhexdooda ah, sida aad ka arki karto ifafaalaha muuqda, haddii aanay beelaha deegaanka ku baraarugin cawaaqibka ay arrintaasi leedahay.
Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa haatan ku hardamaya cidda maamuleysa gobolka, taas oo ay ugu wacan tahay xiriirka labada dhinac oo sii xumeynayay, tan iyo daba-yaaqadii sanadkii hore, waxayna Villa Somalia ay gobolkan u aragtaa mid ay siyaasad ahaan ka wiiqi karto Jubbaland.