Dagaalkan oo markii hore u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa xalay ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo welina ay xaalad kacsanaan ah ka jirto degmadaasi.
Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) ayaa magaalada ku weeraray gaadiid ay la socdeen Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Nabad Sugidda ay iska caabiyeen weerarkaasi, isla-markaana ay muddo sii joogeen goobtii uu weerarku ku qabsaday.
Ciidamada Gudoomiye Lafey ee taabacsan Jubbaland ayay wararku sheegayaan in ay gurmad ka heleen Ciidamada Itoobiya, isla-markaana ay weerar ku ekeeyeen Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda ee Doolow.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Nabad Sugidda ay iska caabiyeen ciidamadii wada socday, taas oo keentay in ciidamo hor leh oo kuwa Itoobiya ah ay hareereeyaan aaggaasi.
Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka carreysiisay dadka deegaanka, isla-markaana uu dagaalku si guud u saameeyay qaybaha magaalada oo dhan.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee fariisimaha ku leh xuduudda iyo kuwa kale ee degan Garoonka Diyaaradaha Doolow ay markii dambe si ba’an madaafiic ugu garaacaan xaafadaha magaalada.
Bartilmaameedka ugu weyn ee Ciidamada Itoobiya ayaa u muuqday Taliska Hay’adda Nabad Sugidda, inkastoo madaafiicdu ay ku dhaceysay xaafadaha ka baxsan.
Madaafiicda Ciidamada Itoobiya oo socotay illaa saqdii dhexe ee xalay ayaa baqdin xoog leh ku abuurtay dadka shacabka ah, waxaana jira guryo la degan yahay oo madaafiicda qaar ay ku dhacday, inkastoo aan la xaqiijin karin, haddii uu khasaare nafeed jiro inta uu le’egyahay.
Ma cadda in Ciidamada Itoobiya ee ku lugta lahaa dagaalka ka dhacay gudaha magaalada ay yihiin kuwa ilaaliya amniga Garoonka Doolow iyo in ay yihiin kuwo ka soo gudbay dhinaca xuduudda, laakiin madaafiicda ayaa la arki karay in ay ka soo dhaceysay jihada xuduudda Itoobiya iyo dhinaca Garoonka Diyaaradaha. Doolow ayaana ku taala xadka uu Gobolka Gedo la wadaago Itoobiya.
Intii ay isku dhacyadu ka jireen Doolow ayaa waxaa magaalada laga jaray korontada, sidoo kalena waxaa hawada laga saaray adeeggii isgaarsiinta ee shirkadaha dalka ay bixinayeen, walow isgaarsiinta Itoobiya ay hadda ka shaqeynayso qaybo ka mid ah magaalada.
Shaqaalaha hay’adaha bani’aadantinimada ee xarumaha iyo xafiisyada ku leh magaalada ayaa kuu sheegaya in dadka qaarkood ay la anfariirsan yihiin madaafiicda aan kala joogsiga lahayn ee ay Ciidamada Itoobiya ku harqiyeen magaalada, isla-markaana uu jiro gadood shacab oo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya. Doolow ayaa ah magaalo ay dadku ku badan yihiin, waxaana sanadihii u dambeeyay ku soo badanayay qoysaska barakacayaasha ee ka imanaya deegaanada kale ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Doolow waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah magaalooyinka dalka ee ay qoysaska barakacayaasha aadka u degan yihiin. Barakacayaasha ugu badan ayaa la sheegaa in ay ku nool yihiin Muqdisho iyo Baydhabo.
Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa Ciidamada Itoobiya ku eedeeyay in ay fara-gelin joogta ahi ku hayaan dalka.
Korneyl Aadan Rufle ayaa sheegay in ciidamada hoostaga Gudoomiye Lafey ay afka uun ka wataan magaca Jubbaland, balse ay yihiin kuwo ay tababarto Itoobiya, hubkana ay iyadu siiso.
Madaxda Dowladda Soomaaliyeed ayaan weli ka hadlin xiisaddan ka soo korortay Degmada Doolow, waxayna imaneysaa saacado uun ka dib, markii Ciidamada Dowladda ay dib ula wareegeen inta badan Degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.
Afar askari oo laba ka mid ah ay yihiin kuwa Hay’adda Nabad Sugidda ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen dagaalkii xalay ka dhacay Doolow. Khasaaraha ayaana ka badan kara inta laga warqabo.
Ma cadda waxa ay ku dambayn doonto xaaladda Doolow, iyadoo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay isku hayaan cidda maamuleysa gobolkaasi.