Home Wararka Maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay bulshada Gobolka Bakool (SAWIRRO)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay bulshada Gobolka Bakool (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maalintii labaad booqasho ku jooga Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa gobolka ku tagey safar shaqo, oo qayb ka ah dadaalada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada, laguna xoojinayo amniga iyo nabadgelyada.

Madaxweynaha ayaa maanta kulan looga hadlayay dardargelinta horumarinta adeegyada bulshada, nabadgelyada iyo mashaariicda hormarineed la qaatay Masuuliyiinta Gobolka Bakool, kan degmada iyo Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhinacyadan wadatashi kala yeeshay qorsheyaasha horumarineed ee maamulkiisu uu damacsan yahay in laga sameeyo gobolkaasi.

Gobolka Bakool ayaa ka mid ah saddexda gobol ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waana mid ka mid ah gobolada dal ee dib u dhaca weyn uu ka jiro.

Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ka mid ah Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, oo qayb ka ahaa safarkiisa gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc