Wararka ka imanaya Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in walaac amni uu soo food saaray dadka deegaanka, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay toddobaadkii hore qabsadeen Degmada Maxaas ee gobolkaasi.
Tan iyo markii Shabaabku ay 7-dii bishii July qabsadeen Degmada Moqokori ayaa waxaa sii kordhayay baqdinta ka jirta deegaanada bariga Gobolka Hiiraan. Si gaar ah cabsida ayaa ku korortay dadka reer Buuloburde, ka gadaal markii maleeshiyadu ay 27-kii July si buuxda ula wareegtay Maxaas.
Shabaabka ayaa saddex jiho ka degan Magaalada Buuloburde, marka aad eegto in ay joogaan Moqokori, Maxaas iyo dhinaca deegaanada Yasooman iyo Aboorey oo u furan galbeedka Gobolka Hiiraan, marka aad milicsato in ay iyagu gacanta ku hayaan deegaanka Jicibow ee jiinka bari ee Webiga Shabelle. Gurmadka Shabaabka ee ka imanaya galbeedka gobolka ayaa si fudud ku soo gaari kara Jicibow oo webiga uu dhinac ka maro, waana albaabka ay ka soo geli karaan bariga gobolka, marka ay noqoto kuwooda ka imanaya daanta galbeed ee webiga.
Shabaabka oo hadda aysan wax dhibaato ah ka haysan in ay si buuxda isugu socon karaan deegaanada bariga iyo galbeedka gobolka ayay dadku ka cabsi qabaan in ay go’doomiyaan Magaalada Buuloburde.
Buuloburde ayaa noqon doonto magaalo si dhameystiran loo go’doomiyay, haddii ay Shabaabku la wareegaan waddada laamiga ee xiriirisa Magaalooyinka Buuloburde iyo Halgan ee tagta Magaalada Beledweyne.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku aysan iminka ka fogeyn deegaanka Caag Bashiir oo hoostaga Buuloburde, kuna yaala meel ku dhow bartanka waddada isku xirto Buuloburde iyo Halgan.
Ma cadda qorshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle uga yaala inaanan la go’doomin Buuloburde, oo ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Gobolka Hiiraan.
Buuloburde ayaa waxaa degan oo ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Dhulkan ay Shabaabku muddooyinkii u dambeysay dib ugu soo laabanayeen ayaa laga saaray ku dhawaad saddex sano ka hor, taas oo ku tusineysa in natiijada wax ku ool ah ee laga gaaray wejigii koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka uu fashil ku dhow yahay.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga Jabuuti ayaa bishii March ee sanadkii 2014 xoreeyay Magaalada Buuloburde, inkastoo Shabaabku ay go’doomin ku hayeen, illaa sanadihii 2022 iyo 2023 laga saaro deegaanada hoostaga magaaladaasi, markaas oo dadka deegaanka ay nafis dareemeen iyo in si xorriyad leh ay waddooyinka ugu safraan.