Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay ciidamada oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay bariga Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay ciidamada oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay bariga Gobolka Hiiraan

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shaccabka ee Macawiisley ayaa dhaqdhaqaaqii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ka bilaabay bariga Gobolka Hiiraan, tan iyo markii ciidamadu ay dhawaan lumiyeen gacan ku haynta Degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa 27-kii bishii July qabsatay degmadaasi, ka dib dhowr saacadood oo weerar ay ku hayeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hadda u muuqdaan kuwo cagta saaray waddada aadda dhinaca Degmada Maxaas, inkastoo aan si sax ah loo xaqiijin karin in hadafkoodu uu yahay, sidii ay dib ula wareegi lahaayeen degmadaasi.

Ciidamo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ka soo dhaqaaqay deegaanka Teedaan oo hoostaga Maxaas ayaa la sheegaya in ay ku safrayaan waddada xiriirisa Teedaan iyo Maxaas.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay abaabul kale ka wadaan deegaanka Coomaad oo hoostaga Magaalada Matabaan, kaas oo la xiriira hawlgalka lagu la dagaalamayo kooxaha argagixisada.

Coomaad ayaa waxay ka mid tahay deegaanadii ugu horreyay ee Gobolka Hiiraan uu ka bilowday wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ee bishii January ee sanadkii 2023 ku dhammaaday Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, marka ay noqoto xuduudda labada gobol ee Hirshabelle ee aagga Aadan Yabaal.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleydii hawlgalka sifeynta ka waday Gobolka Hiiraan ayaa hawlgalkooda ku soo geba-gabeeyay Aadan Yabaal. Ciidamadii kale ee hawlgalka xilligaasi ka sameynayay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sidoo kale xoreyay Degmooyinka Alkowsar & Ceelbaraf iyo inta badan deegaanada bariga gobolkaasi.

Militariga iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa hawlgalkaasi ku xoreeyay bariga Gobolka Hiiraan, oo ay ku jirto degmada istiraatiijiga ah ee Moqokori oo xad la leh Aadan Yabaal.

Dowladda Federaalka ayaa lagu dhaliilaa in xilligaasi aysan si sax ah uga faa’iideysan cududdii Macawiisleyda Gobolka Hiiraan, oo aad arki kartay in gacan weyn ka gaysan kartay xoreynta dhulka intiisa kale ee maqan, balse ay arrintaasi siyaasadeeyeen niman siyaasiyiin ah, iyagoo ku saleynaya dooddooda ah in beeluhu aysan isku deegaan ahayn amaba ay kala deegaan yihiin.

Macawiisleyda reer Hiiraan oo tusaale u noqday Macawiisleydii kale ee laga aasaasay Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ayaad mooddaa in aad loo xadiday taakuladii ay ka helayeen Dowladda Federaalka.

Tani ayaa waxay natiijadeedu noqotay in Shabaabku ay billihii u dambeeyay culeys soo saaraan, isla-markaana ay qabsadaan deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Hiiraan, ka gadaal markii ay dib ula wareegeen degmooyinkii iyo deegaanadii Gobolka Shabellaha Dhexe ee la xoreeyay, intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka.

Hadda, Coomaad oo ku taala inta u dhaxeyso Maxaas iyo Matabaan ayaa waxay halis ugu jirtaa in la qabsado, haddii aysan ciidamadu si degdeg ah uga hortagin Shabaabka isku dayaya in ay isku fidaan deegaankaasi.

Lama oga in ciidamadu ay haatan diyaar u yihiin inay dib ula wareegaan Maxaas, oo Militariga Somaliya uu ku lahaa saldhig weyn, muhiimna u ahayd la dagaalanka Al Shabaab, hase ahaatee is bedelka aan buurneyn ee ka jira Villa Somalia ayaa sare u qaadaya mooralka ciidamada.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Macawiisleyda ka ag dhow deegaanada Inabaal, Raqso, Teedaan, Hees iyo Coomaad loo sheegay in ay diyaargaroobaan, mar dhowna ay heli doonaan taakulada ay u baahan yihiin.

Saraakiisha Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigiisu yahay Magaalada Beledweyne ayaa kuu sheegaya in ay soo badanayaan diyaaradaha sahminta ka sameynaya dhulka ay Shabaabku kaga sugan yihiin bariga Gobolka Hiiraan, si haddii ay indhaha diyaaraduhu qabtaan koox meel ku uruursan xagga cirka looga duqeeyo.

Ciidamada ayaa hawlgalkan ka bilaabaya ku dhawaad meel eber ah, si ay gacanta qaranka ugu soo celiyaan dhulkii lagu xoreeyay hawlgalkii gobolka ka bilowday daba-yaaqadii sanadkii 2022, wax yar oo ka mid ah mooyee ay Shabaabku intii kale ku soo laabteen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc