Ciidanka Militariga Jabuuti ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (AUSSOM) ee ku sugan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay galeen xaalad feejignaan ah, ka dib markii la faray inay gacan ka gaystaan dadaalada lagu sugayo amniga degmadaasi.
Taliyaha Qaybta 4aad ee Hawlgalka AUSSOM, Korneyl Cabdiraxmaan Rayaale oo muddo laba maalmood ah booqasho ku joogay Degmada Jalalaqsi ayaa Saraakiisha Jabuuti, kuwa Xoogga Dalka, Macawiisleyda iyo maamulka degmadaasi kala hadlay arrimo ku saabsan, sidii loo xoojin lahaa amniga degmadaasi iyo deegaanada hoostaga.
Taliyaha oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan Militariga Itoobiya ee sidoo kale qaybta ka ah AUSSOM ayuu socdaalkooda la xiriiray, si ay u qiimeeyaan xaaladda amni ee degmadaasi iyo sidii ciidamada loo siin lahaa taageerada dheeraadka ah ee ay u baahan yihiin.
Saraakiishan ayaa kormeeray fariisimaha ay Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmadaasi iyo Isbitaalka Guud ee Jalalaqsi, iyadoona ciidamadaasi la faray in ay ka feejignaadaan maleeshiyada Al Shabaab.
Ka hor inta aysan saraakiishan soo geba-gabeen booqashadooda ayay dhinacyadii ay la kulmeen si dhow uga la hadleen in la kordhiyo xoojinta isku xirka amniga iyo joogtaynta dadaalada lagaga hortagayo Al Shabaab.
Madaxa Macawiisleyda ee Degmada Jalalaqsi, Korneyl Cabdinaasir Cali Cabdi oo ka mid ahaa masuuliyiintii la kulmay saraakiishaasi ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray, sidii loo xoojin lahaa dadaalada wadajirka ah ee lagu adkeynayo amniga, iyadoo la sii wadaayo ka feejignaanta khatarta kooxaha argagixisada.
Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jirta xaalad amni, taasoo ka dhalatay is ballaarinta ay maleeshiyada Shabaabku ka wadaan deegaanada bariga ee gobolkaasi.