Home Wararka Maanta Jubbaland oo ka hadashay culeyska ciidamadeeda ka soo fuulay dhinaca Mandhera

Jubbaland oo ka hadashay culeyska ciidamadeeda ka soo fuulay dhinaca Mandhera

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya kaga cudurdaartay, haddii ay Ciidanka Jubbaland ee halkaasi ku sugan ay dhibaato amni ku yihiin deegaankooda.

Ciidanka Jubbaland ayaa 30-kii bishii July laga saaray Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, markaas oo ay kala wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka. Ciidanka Jubbaland ayaa tan iyo xilligaasi ku sugan duleedka Degmada Mandhera, iyadoona Ismaamulka Mandhera uu Isniintii iyo Talaadadii shalayba sheegay in ciidamadaasi ay dhibaato ku yihiin amnigooda, isla-markaana ay baqdin ka abuureen deegaanka, sidaasi daraadeedna ay doonayaan in ay halkaasi isaga taggaan.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin duleedka waqooyi ee Mandhera, isagoo ku andacooday in labada magaalo ay hal magaalo isku noqdeen, wuxuuna garowshiyo ka bixiyay in dhibka ka jira Beledxaawo uu saameynayo dadka reer Mandhera, isla-markaana uu ka xun yahay waxa ay ka cabanayaan.

“Waa la xakameynayaa inta tabartayada waa la dadaalayaa in ciidamada aan wax dhib ah laga la kulmin.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo BBC la hadlay.

Mar la weydiiyay goorta ay qorsheynayaan in ciidamadu ay shacabka ka dulqaadaan ayaa sheegay in ay wada hadleen Maamulka Degmada Mandhera iyo hay’adaha amniga, arrintaana ay xal u heli doonaan.

“Marka muddo dhow waxaan rabnaa shacabka cabsida iyo mushkiladda ay dareemayaan in xal loo helo, annagoo wadajir ah oo iskaashanayno, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhanka kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay Gobolka Gedo ka hirgelineyso aragti uu sheegay inay gadaal ka riixayaan Dowladaha Masar iyo Eritrea.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay aragtidaasi la tacaaleyso, iyadoo diidan in deegaanadeeda loo soo raro loolanka juqraafi siyaasadeedka ee u dhaxeeya dowladaha isku haya Geeska Afrika.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u taagan tahay inay ilaaliso nidaamka federaalka ee dalka uu qaatay in aanu burburin iyo inaanan deegaanadeeda laga dhigin meel ay ku dagaalamaan dalalka isku haya gobolka.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in aragtida Xamar laga keenay ay amni darro ka abuurtay deegaanka, ciidamada ay reer Mandhera ka cabanayaana ay yihiin kuwii la tacaalayay aragtidaasi.

Beledxaawo oo ah magaalo xuduudda ku taala ayaa waxay xuduud la leedahay Kenya iyo Itoobiya, waxayna saaran tahay barta saddex xagalka ee xuduudda saddexda dal ee loo yaqaano BP1 (Border Point One). BP1 ayaana ah meel u dhaxeysa xuduudda saddexda dal oo la isaga kala gudbo.

Beledxaawo ayaa sidoo kale ah magaalada ugu dadka badan ee Gobolka Gedo iyo Xarunta Ganacsiga ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc