Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ganacsatada reer Boosaaso ay mar dhow ka gudbi doonaan in laga handado Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo Daacishta Somaliya ay dalka kaga sugan tahay.
Madaxweynaha Puntland ayaa maanta dhagax dhigay waddo cusub, taas oo isku xiri doonto Magaalada Boosaaso iyo deegaanka Dhadaar oo ku yaala Buuraleyda Calmiskaad.
“Waddadan waa waddo muhiimad weyn u leh Puntland. Waxay leedahay muhiimad amni, dhaqaale iyo ahmiyad bulsho.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sababta ay maleeshiyada Daacish u saldhigatay Buuraleyda Calmiskaad ay tahay waddooyin xumada, taas oo fursad u siisay inay gabaad ka dhigtaan.
“Runtii waxyaabaha Calmiskaad cadowga inuu saldhig ka dhigto waxaa sabab u ah xagga waddooyinka, oo noqotay meel ciidamada iyo dadka amniga ka shaqeeya ay si sahlan u gaari waayaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo ka hadlayay munaasabadda dhagax dhiga.
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rajeynaynaa waddadatan inay fure u noqoto in deegaanada Calmiskaad aysan mar dambe noqon godad lagu dhuunto oo dad dembiileyaal ah ay galaan.”
Madaxweynaha ayaa ganacsatada reer Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso ugu baaqay inay gacan ka gaystaan dhismaha waddadan, oo sida uu sheegay ku soo aadday waqti xasaasi ah, oo uu ku macneeyay maamulka oo dagaal ku jira iyo culeysyo dhaqaale oo soo food saaray.
“Waxaan rajeynayaan waddadan inay noqoto waddo mar dambe aysan suurtagal ahayn in Boosaaso cadow uu ka handado, qaasatan Calmiskaad u fadhiya.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni oo intaasi ku daray in waxa xilligan ku soo beegay in waddada si dhakhsa ah loo dhiso ay tahay waa in looga fursan yahay amniga iyo hawlgalka lagu soo afjarayo Daacish.
Ciidanka Puntland ayaa bishii 8aad dagaal kula jira maleeshiyada Daacish, oo laga saaray inta badan deegaanada bariga iyo bartamaha ee Buuraleyda Calmiskaad.
Puntland ayaa weerarkii ugu ballaarnaa ku qaadday Daacishta Somaliya, ka dib ku dhawaad 10 sano oo ay ka hawlgaleysay Gobolka Bari.
Dhadaar ayaa waxay ka mid tahay deegaanada ku yaala aagagga dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad, waxayna muhiim u tahay isku xirka ciidamada ee aagagga bariga iyo galbeedka ee Calmiskaad.
Ciidamada ayaa bishii February la wareegay deegaanka Dhadaar, oo Daacish ay sanado badan ku lahayd saldhig weyn oo ciidan. Daacish ayaa hadda kaga sii dambeysa Gobolka Bari qaybaha galbeed ee Buuraleyda Calmiskaad iyo meelo yar oo ka mid ah bartamaha.
Daacish ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd lacagaha sharci darrada ah ay ka qaaddo ganacsatada Boosaaso iyo qayb ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.