Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Beledxaawo

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Beledxaawo

by Laacib

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maanta dagaal kula wareegay fariisimihii ay Ciidanka Jubbaland ku lahaayeen duleedka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Ciidanka Jubbaland oo 30-kii bishii July dagaal looga saaray magaalada ayaa tan iyo xilligaasi ka ag-dhawaa aagga goobta saddex xagalka ah ee kala qaybisa xuduudda Somaliya, Kenya iyo Itoobiya, waana meel isgoys ah oo kulmisa Beledxaawo, Mandhera oo Kenya ah iyo Suufka oo Itoobiya ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka ee ka amar qaata Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Taliyaha Hay’adda NISA ee Jubbaland ayaa qabsaday goobtan oo jihada waqooyi galbeed kaga beegan Beledxaawo.

Joogitaanka Ciidanka Jubbaland ee Tuulo Amiin ayaa walaac amni ku haysay dadka reer Beledxaawo iyo ciidamadaba, waana tan keentay in ciidamadu ay aroornimadii hore ee saaka weeraraan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Jubbaland ay dagaalka ku firxadeen, isla-markaana ay intooda badan u tallaabeen dhinaca Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halka kuwo yar oo ka mid ahna maxaabiis ahaan loo qabtay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saamaynta dagaalka laga dameeray Beledxaawo iyo Mandhera, oo ah laba magaalo oo deris ah.

Dagaalka ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada ciidan ah, iyadoona ay jiraan saraakiil ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo ku dhintay dagaalka iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay.

Xuseen Cali Xaashi (Xuseen Giif) oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Jubbaland ee Gobolka Gedo ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalka.

Beledxaawo ayaa muddooyinkii u dambeysay fure u noqotay dagaalka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ee salka ku haya cidda maamuleysa Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay ku lala furfureyso Saraakiisha Ciidamada & Maamulada Degmooyinka Gobolka Gedo ee taabacsan Jubbaland.

Villa Somalia oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Madaxda Jubbaland ayaa gobolkan u aragto mid ay siyaasad ahaan ka wiiqi karto Jubbaland.

Khilaafka labada dhinac oo soo ifbaxay bishii October ayaa cirka isku shareeray bishii November, markaas oo Jubbaland ay go’aansatay in ay qabato Doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada, iyadoona 25-kii November markii saddexaad xilka dib loogu soo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Dowladda Federaalka ayaana doorashadaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Khilaafkan ayaa ka dhashay Dowladda Federaalka oo dooneysay in la mideeyo Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyadoo markaasi ay Villa Somalia soo magacaabeyso guddi doorasho oo maamula Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba, laakiin ay Jubbaland ku andacootay in ay xaq u leedahay in ay si gaar ah u qabsato doorashadeeda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc