Home Wararka Maanta Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo si adag uga hadlay dagaalka ka dhacay duleedka Beledxaawo

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo si adag uga hadlay dagaalka ka dhacay duleedka Beledxaawo

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay sii hurineyso xiisadda Gobolka Gedo, ka dib dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay iyagu soo weerareen fariisimihii ay Ciidanka Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Tuulo Amiin oo hoostaga Degmada Beledxaawo.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ku dhalleeceeyay in ay bixiyeen amar khaldan, oo sida uu sheegay lagu weeraray ciidamadii deganaa duleedka Beledxaawo.

“Waxaan maanta Beledxaawo u taaganahay wiilal wada dhashay oo walaalo ah oo la isku dilay, oo rag qiimo lahaa oo Qaranka Soomaaliyeed qiimo ugu fadhiyay ay ku dhinteen.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo BBC la hadlay.

Waxa kaloo uu yiri “Hadde in ummadda Soomaaliyeed, waxaani waa taariikh’e in la ogaado intii lala dagaalami lahaa ciddii dagaalka mudneyd in sharciga dalka meel la dhigo oo sidaa la yeelo, waa mid aan aad iyo aad uga xumahay.”

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Waxaan rabnaa inaanu nimankaasi u diiwaangelino dhacdadaa uu dhiigga badani ku daatay oo is daba jooga ahayd oo waayadaan dhan Gobolka Gedo ka socotay, qaasatan Magaalada Beledxaawo.”

Waxaa uu hadalkiisa ku adkeeyay in ay la socdeen in ciidamada amar lagu siiyay inay weeraraan ciidamadii kale ee ku sugnaa duleedka waqooyi ee Beledxaawo.

Waxa uu intaasi ku daray in Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay yihiin kuwa weerarka ka wada gobolka.

“Marka arrintaanu meel bay tagi doontaa, ciidanka waa la soo weeraray, meeshaana labada dhinacba waa ku dhinteen.” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo muddooyinkanba ku sugnaa gobolka.

Mar la weydiiyay khasaaraha ciidamadooda ka soo gaaray dagaalka ayaa wuxuu yiri “Khasaare waa jiraa dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba. Ciidanka horaan u sheegay ciidamadan waa Ciidamadii Somaliya oo ku kala abtirsado Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Dowladda Dhexe oo mushaaraadkooda xuquuqaadka ka kala qaato. Marka kuwii weerarka soo qaadayna dhimasho iyo dhaawac baa gaaray, kuwii la soo weerarayna dhimasho iyo dhaawac baa gaaray.”

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay inay doonayaan in lala xisaabtamo cidda bixineysa amarada la isugu leynayo ciidamada, oo sida uu sheegay ah wiilal Soomaaliyeed oo ay dhalleen hooyo iyo aabe muwaadiniin ah, kuwaas oo uu sheegay in siyaasad iyo arrimo guracan loo leynayo.

“Dad baa dhimanaya, xaq darraa la gelayaa, masuuliyaddaa cidda sameynaysa ma ahan mid aan kaga hari doono, haddii Alle idmo, waa lagu la xisaabtamayaa.” Ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo la weydiiyay maxaad sameynaysaan ayaa ku jawaabay “Waxaan sameynaynaa inaan dacwayno oo aan adduunka tusno oo ciddii ay xaq darrada ka galayna, haddee ay godobteeda u haysato, annagana aan nabadda sii wadno oo aan niraahno war xabadda joojiya.”

Dhanka kale dagaalkii ay maanta Ciidamada Dowladda Federaalka kula wareegeen Tuulo Amiin ayaa waxaa ku dhintay in ka badan toban askari oo saraakiil labada dhinac ah ay ku jiraan.

Dowladda Federaalka ayaa waxay dhankeeda qiratay in laba askari kaga geeriyoodeen dagaalka, saddex kalena ay kaga dhaawacmeen, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Xuseen Cali Xaashi (Xuseen Giif) oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Jubbaland ee Gobolka Gedo ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalkaasi. Taliyaha oo ku dhaawacmay dagaalka ayaa markii dambe dhaawacaasi ugu geeriyooday isbitaal ku yaala Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Dagaalka gobolkan ayaa calaamad u ah, sida uu uga sii darayo khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Jubbaland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc