Home Wararka Maanta Dagaal saacado socday oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal saacado socday oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

by Laacib

Ciidanka Polizia Militare iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa waaberigii hore ee saakay weeraray xaafadda Horseed ee Degmada Hodan, si ay uga saaraan qoysaska halkaasi ku noollaa dhowr iyo soddonkii sano ee u dambeysay.

Ciidamadan ayaa iska caabin kala kulmay maleeshiyaad deegaanka ah oo ka horyimid in si khasab ahi dadkaasi lagu raro, iyadoo aanu jirin qorshe qaran oo dib u dejin loogu sameynayo.

Qoysaska degan dhulka Horseed oo ah mid dan guud ayaa u badan qoysaska Ciidamada Militariga, waxayna maleeshiyadu ka biyo diiday in Garoonkii Kooxda Horseed ay Dowladda Federaalka ku wareejiso niman ganacsato ah.

Maleeshiyadan ayaa difaac ka xiratay goobaha laga soo galo xaafadda, taasina waxay adkeysay in si dhakhsa ah dagaal looga saaro halkaasi.

Ciidamada ayaa saacado badan weerar ku hayay xaafaddaasi, iyagoona xiray dhammaanba waddooyinka soo gala, oo uu ku jiro Isgoyska Tarabuunka.

Goobjoogeyaasha qaar ayaa sheegay in ciidamadu ay ku adkaatay in ay gudaha u galaan xaafadda, intii uu dagaalku socday, illaa labada dhinac laga soo kala dhex galay.

Siyaasiyiin iyo koox ganacsato ah ayaa la sheegay in ay maleeshiyada ku qanciyeen in ay dagaalka joojiyaan, arrintaana ay wada hadal ku dhameen doonaan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubnahan ay qaar ka mid ah maleeshiyada si nabdoon uga saareen goobta, isla-markaana ay ka gudbiyeen waddooyinkii ay ciidamadu ku sugnaayeen.

Ciidamada ayaa goor dambe gudaha u galay xaafadda, iyagoona ka bilaabay hawlgal ay amnigeeda ku xaqiijinayaan. Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugidda oo sidoo kale ku sugan goobta ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya amniga xaafaddaasi.

Dowladda Federaalka ayaa qorsheynaysa in la burburiyo dhismayaasha sharci darrada ah ee ay dadku horey uga dhisteen xaafadda ku dhirirsan Isgoyska Tarabuunka.

Dhanka kale iska horimaadkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo weliba dad rayid ah. Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin tirada dhimashada, laakiin wararka la helayo ayaa sheegaya in illaa lix qof ay ku dhinteen isku dhacaasi, oo ay ku jiraan dad rayid ah, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalkan ayaa si weyn looga dareemay magaalada, waxaana cambaareeyay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka, kuwaas oo walaac ka muujiyay in dowladdu ay ku soo hoos noqoto dadkeeda.

Madaxweyneyaal iyo Raysal Wasaareyaal hore oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay dhacdadaasi.

Xaaladda xaafadda Horseed ayaa hadda ku soo laabatay mid caadiya, waxayna ciidamadu dib u fureen waddooyinka oo ku dhawaad toban saacadood xirnaa.

Qoysaska qaarkood ayaa bilaabay in ay ka barakacaan xaafadda Horseed, ka dib iska horimaadkii maanta ka dhacay.

Dowladda Federaalka ayaa horey dadka rayidka ah ugu sheegtay in ay banneeyaan dhulkii Horseed, oo ay u soo baahatay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc