Taliska Guutada 10aad ee Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo rogay awaamiir ah in aan wax hub ahi lagu dhex qaadan karin Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, haddii ay noqoto cidda aan ku shaqada lahayn amniga magaaladaasi.
Taliyaha Guutada 10aad, G/sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax oo booqasho ku jooga magaaladaasi ayaa ku dhawaaqay awaamiirtan, xilli Jimcihii uu duleedka Garbahaarey kula hadlayay boqolaal ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyaha ayaa ciidamada u sheegay in ay yihiin ciidan dowladeed, isla-markaana ay tahay in ay u hoggaansamaan awaamiirta qaranka.
Taliyaha ayaa cidiamada ku wargeliyay in ay mamnuuc tahay in askarta aan ku shaqada lahayn nabadgelyada magaalada ay hubka ku dhex qaataan, isla-markaan aan la ogoleyn in xabad aan hadaf lahayn la iska rido.
“Waxaan nahay annagu ciidan Soomaaliyeed, Ciidanka Soomaaliyeed-na waajibaad buu leeyahay oo annaga oo dhan baan garanayna, idiinkuna waad garaneysaan. Waxa na laga rabo waxay tahay inaan shaqada wanaajino, mar haddaan nahay ciidan.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa yiri “Xeradan waxaan u joogno oo godadka aan u qodanay ay tahay inaan gaar ka nahay bulshada, ujeedada aan gaarka uga nahayna ay tahay inay masuuliyaddii amni annaga naga saartay dalka Somaliya.”
Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Waxaa na laga rabaa in aan shaqadeenna wanaajino oo aan noqono dad waxa ay ku sheegan yihiin oo bulshada ay u taqaano ka run sheega.”
Taliyaha ayaa ciidamada uga digay inay ciqaab ka dhalan doonto, haddii askartu ay khasaariso rasaasta oo uu sheegay in dowladdu uu kharash badan ugu fadhiyo. Taliyaha ayaa sheegaya in rasaasta sida taxadar la’aanta la isaga rido ay ku dhici karto qof, isla-markaana aan khasaarahaasi loo baahneyn.
Waxa uu ciidamadu kula dardaarmay isku duubni iyo inay wada shaqeeyaan, iyagoo adkeynaya amniga magaalada, una hoggaansamaya xeerarka ciidanka.
Dhanka kale Taliye Qorax ayaa isla Jimcihii magaalada kula kulmay Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Hawlgalka AUSSOM, wuxuuna kala hadlay, sidii loo xoojin lahaa amniga magaaladaasi iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Wafdi ka socdo Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in ay gaaraan Magaalada Garbahaarey.